MADAXWAYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LAGU CALEMASAARAYO TODOBAADKAN MUQDISHO.

XASAN SHEEKH

Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qaban-qaabada caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu wado inay toddobaadkan dhacdo.

 

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bilaawday diyaar garowga soo dhaweynta madaxda ka qeyb galeysa xafladda caleema saarka, waxaana Muqdisho soo gaaray wafuud horudhac ah, kuwaasoo horkacaya madaxdii lagu casuumay xafladda.

 

Madaxda la filayo in ay ka qeyb galaan caleema saarka ayaa waxaa ka mid ah madaxda dalalka deriska la ah Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa isku dayaya in uu dib u soo celiyo xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, maadaama uu Soomaaliya xiriirkoodu xumaa xilligii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.


Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la lahaa qaar ka mid ah dalalka deriska ah sida Kenya oo uu ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. , iyadoo Farmaajo uu xiriiro kala duwan la yeeshay dalal kale sida Itoobiya.


Post a Comment

0 Comments