Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, isaga oo kulamo la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ujeedka kormeerka Madaxweynaha ayaa la xiriirtay mid ugu
kuur-geliyey hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga
Dalka Soomaaliyeed.
Ugu horreyn Madaxweynaha oo salaan ka qaatay ciidamada Xoogga
dalka ee ku sugan halkaasi ayaa warbixin ka dhageystay wasiirka Gaashaandhigga
iyo taliye Odowaa.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha
ciidamada dowladda ee ku sugan xerunta Wasaaradda Gaashaandhiga, isaga oo kala
hadlay dagaalka Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay bilaaban doonaan howlgallo cusub,
wuxuuna faray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, inay u diyaar garoobaan
howlgalladaasi.
Dhinaca kale ammaanka xarunta wasaaradda ayaa loo adkeeyey,
iyada oo inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho la xiray, taas oo saameyn ku
yeelatay shacabka.
Si kastaba, ciidamada
dowladda ayaa maalmahan laba jibaaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka
socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkii ugu dambeeyey xalay laga
sameeyey degmada Wadajir oo lagu soo qabtay burcad dhac geysaneysay.
0 Comments