Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaalida Kenya doorkooda ku aadan gurmadka abaaraha.

Xasan sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada  kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, isagoo kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.


 Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya in ay kaalintooda ka qaataan horumarinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka qaran ee lagu abuurayo fursado shaqo oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan xoojinta dowladnimada.


Ganacsatada oo Muqdisho u soo gaaray ka qeyb galka xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda tobnaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa ugu hambalyeeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo, iyagoo ballan qaaday in ay garab istaagi doonaan walaalahooda dhibaateysan ee ka dhashay. Abaarta ku dhufatay qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saameyn xun ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo xoolahooda .

Post a Comment

0 Comments