Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xilka Madaxweynaha Soomaaliya soo dhammaystay hal muddo xileed, wuxuuna hadda ku laabanayaa xafiiska Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo uu kas oo arriminayay intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2017-kii. Wuxuu noqonaa madaxweynihii ugu horreyay oo mar intuu muddo xileed dhameystay dib loo doortay.
Noloshiisa inteeda badan waxa uu kusoo qaatay shaqada macallinnimada, oo uu iskuullo badan iyo jaamacado wax uga soo dhigay, sida uu ku sheegay khudbaddiisii hadal jeedinta murashaxiinta.Sanadkii 1955-kii ayuu Xasan Sheekh ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ee dalka Soomaaliya, haddana waa 66 ilaa 67 jir.
Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu
kasoo jeedo, halka dugsiga sare iyo jaamacadda ku dhigtay magaalada Muqdisho,
oo uu u wareegay.
Sanadkii 1981-kii ayuu ka qalan jebiyay kulliyadda tiknoolojiyadda ee Jaamacadda. Kaddib waxa uu heerka sare ee Jaamacad kusoo bartay waddanka Hindiya.
Markii uu dalka dib ugu soo laabtay, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaqaale ka noqday Wasaaradda Tacliinta ee Soomaaliya, isagoo macallin kasoo noqday iskuullo iyo Jaamacado.Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen wax baridda ama macalinnimada.
Sanadkii 2013-kii, Xasan Sheekh Maxamuud waxaa magaciisa lagu soo daray liiska 100-ka qof ee ugu saamaynta badan caalamka, oo ah liis ay sanadkiiba hal mar soo saarto Majalladda Time ee dalka Mareykanka.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee Xasan Sheekh
Maxamuud iyo dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa lagu xasuusto waxaa ka mid ah in
ay dacwadda muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya u gudbiyeen
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).
Xasan wuxuu hormuud aan daalin u noqday dimuqraadiyeynta Soomaaliya, horutebin siinta dhismaha hey’daha sharciga ah, dhammeystirka iyo dib—u—eegista dastuurka, dhismaha dowlad gobolleedyo xubin ka ah Dowladda Federaalka iyo doorasho dadban oo dadka loogu dhaweynayo in ay soo doortaan wakiiladooda Golaha Shacabka iyo ugu dambeyn dhismaha Aqalka Sare oo markii ugu horreysay dalka laga hirgeliyey si loo dhammeystiro Federaalleynta dalka.
Maadaama Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee
Xoogga Dalka (iyo ciidamada Qalabka sida) wuxuu ku guuleystay in dib—u—habeyn
weyn lagu sameeyo isku dhafka, isla xisaabtanka iyo hufnaanta Hey’adaha Amniga
si loo helo ciidan muunad qaran leh oo hanta amniga guud dalka. Waxaa dib u
habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey Xoogga Dalka iyo Booliska si ay amniga u
hantaan.
xasan wa wa shakhsi degan khibrad badan dalka u leh ku dhex nola inta badan nolashiisa somaliya,waa nin ku wacan dimuqraadiyada iyo ilaalinta sharciga.Halka dhigisa farmaajo lagu eedeeyo xasan cagsigiisa oo ah mucangagnimo ilaalin la'aanta shaciga iyo dimuqraadiyada.
Waxaan diiradda saari doonaa aminga oo ah in dalka dib loo xoreereyo oo laga xoreeyo argagixsada magaalooyinka lana furo waddooyinka isku xiro magaalooyinka si ganacsiga ay dadka ay si xor ah u socdaan. Waxaa amniga barbar socda garsoorka oo aan ku bilaabi doonno guddigiissi madaxa bannaanaa ee adeegga garsoorka
Waxaan ballan-qaadaya in qof muwaadin Soomaaliyeed aan dal kale loo dhiibin. waxaan ballana qaadayaa in qof soonaali ah in fikrka siyaasi ee uu aamnisan yahay awgiis loo caburin loona cadaadin.
Xasan sheekh ayaa ballan qaaday in dalka ay ka dhaqan-gelin doono dib u heshiisiin laba weji leh:Dib u heshiisiinta buslhada ee degaanada oo degmooyinka maxalliga ah ee beelaha dhexdooda ka socon doonta."
Dib iyo u heshiisiinta siyaasadda oo dadka soomaaliyeed aan dooneyno in aasaas u noqodo dastuurka, haddii dastuurka lagu heshiiyo oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isla qaataan waxaan aaminsanahay in dib u heshiisiinta siyaasadda meel-gaaratay laguna dhaqmi doono haddii Alle yirahdo."
Dumuqraadiyadda waxaan aasaas uga dhigeynaa xisbiyada siyaasadda oo aan dooneyno in qofka siyaasiga ah fikirkiisa la yaqaano oo aan dalka hogaakiisa iyo taladiisa aanu imaani isagoo aan laga garaneyn u jeedooyinkiisa iyo aragtidiisa siyaasadda. Waxaan abuureynaa nidaam ah in dadka Soomnaaliyeed ay ku kalsoonaadaan hay'adaha datuudriga ah iyo kuwa dowladda oo aan loo arkin kuwa u daneynaya dadka gaar ah ama deegaan gaar ah,ayuu yiri.
0 Comments