MUSHARAX MADAXWEYNE SHARIIF SHEEKH AHMED


Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Ahmed oo ugu mudan musharaxinta imika u tartamaya xilka madaxwaynanimo,sidaynu ognahay Sheekh Shariif Somaliya wakhtigii uu madaxwaynaha ka ahaa wuxu uu gaadhsiyay kasoo kabasho dhamaan xaladihii jahawarerka ahaa ee dalku ku jiray. wax badan oo dib loogu doran karo oo uu qabtay wakhtigii u madaxwaynaha aha halkan hoose ka akhri


Waxa uu caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka xoreeyey dhaqdhaqaaqa argagixisada ah ee Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida muddo kooban.wuxu dib usoo nooleyay dekada iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo uu gaadhsiiyay heer dalko dhan laga dareemo horu markooda.


waxa uu dib u heshiinsiin ka sameyay dalka dhamantii  sigaara waxa uu dib u heshiisiin qaran u sameeyay qabaa’ilka Soomaaliyeed ee dirirtu dhexmartay.sido kale waxa Door wayn uu ku lahaa badbaadinta dalka heshiiskii Jabuuti ee Oktoobar 2008, kaas oo horseeday balaadhinta baarlamaanka iyo dhismaha dawlad qaran oo midaysan.


Waxa uu hormuud ka yahay ururka mucaaridkii musharixiinta u tartamayey madaxtinimada dalka, wuxuuna dalka ka badbaadiyey hammigii kooxda "Farmagoo"ku rabeen dalka ay ku sii haytaan Sidoo kale waa wayo arag an somaliya ka bixin inta badan noloshiisa oo la deareena shacabkiisa dareemayana waxa ay u bahanyihin.


Dib u habeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama ay billaabeen bixinta mushaaraadka wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii waxa kale uu laha hindisa dhib u dhiska ciidanka dowlada dhexe ee somaliya oo uu meel wacan gaadh siyay wakhtigii uu madaxwaynaha ahaa.


Wuxuu ku naaloonayaa daacadnimada ciidamada Soomaaliya, taasoo ay ugu wacan tahay inuu u dhow yahay ciidamada iyo joogitaanka xilliyada qaar aagagga hore ee dagaalka si uu u dhiirigeliyo askarta.Dib u howlgelinta Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ilaa maanta shaqeynaya.


Ugu danbayn Shariif Sheekh Ahmed waa muwaadin dhab ah oo aynu so aragnay wax qabadkiisa imikana inoo balan qaaday inu dhisayo Somaliya barwaaqo ah.shacabka iyo xildhibaanaduba howgu hiiliyaan codkoda si uu inoo hogaamiyo oo horumar inoo gaadhsiiyo.


Post a Comment

0 Comments