Haseyeeshee
saynisyahanno cilmi-baadhis sameeyey ayaa ogaaday in aanay taasi sax ahayn
laakiin ay tahay hawl-fudaydsi.
Saynisyahannadu
waxay sheegeen sababata ay dadku subaxa hore u jimicsadaan in ay tahay sabab la
xidhiidha jadwal maadaama xilligaasi uu yahay xilli qofka aanay wax hawl ahi u
oolin waa xilliga kali ah ee uu joogtayn karo jimicsiga laakiin maaha xilliga
ugu habboon ee la ugu habboon jimicsiga ayuu yidhi Dr. Sanjay Gupta oo ka
tirsan CNN.
Saynisyahannada
cilmi-baadhista sameeyey ayaa tibaaxay in galinka dambe ee maalintii ay tahay
wakhtiga ugu wanaagsan ee la jimicsan karo, sababtoo ah wakhtigaas waxa kala
baxa muruqyada jidhka si fiicana u aqbala dhaqdhaqaaqa jidhku samaynayo. Sidoo
kale wakhtigaas waxa aad hoos ugu dhaca dhaawaca jidhka ka soo gaadhi kara
jimicsiga maadaama muruqyada jidhku ay marka horeba ku soo kala baxeen
dhaqdhaqaaqiii maalinimada.
Saynisyahhanadu
waxay ku taliyeen ciddii wakhti haysataa in jimicsigeeda ay u beddesho galinka
dambe ee maalintii ama xilliga fiidka.
Hase
ahaatee saynisyahannadu waxay sheegeen jimicsiga subaxnimadu in uu u wanaagsan
yahay shaqada iyadoo qofka subaxnimada jimicsadaa uu shaqada bilaabayo wareegga
dhiigiisa oo wanaagsan kaas oo suurto galiya in ogsijiintu si wanaagsan u gaadh
jidhka taas oo kor u qaadda firfircoonida iyo garaadka labadaba.
0 Comments