Madaxweynaha Soomaaliya Xasan
Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasibadii
caleemo-saarkiisa ayaa sheegay in dowladiisa ay noqon doonto mid la dareen ah
shacabka, islamarkaana dhago-nugul cabashadooda.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa lagula
xisaabtami doono waxqabad, uuna noqon doono adeege shacab oo u dhaweeya
mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan.
Dowladeyda waxaa lagula xisaabtami doonaa waxqabad. Dawladeydu
waxay noqon doontaa mid dhageysata oo ixtiraamta dadkeeda oo keliya dantooda ka
shaqeysa,” ayuu yiri.
Dimuqraadiyada waxaa iska leh shacabka, waxaanan ku dadaali
doonaa inaan noqdo adeege shacab oo intii karaankiisa ah u dhaweeya mustaqbalka
shacabka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ayna mudan yihiin.”
Sidoo kale waxa uu mahad-celin ballaaran u jeediyay shacabka
Soomaaliyeed oo ay wakiiladooda markale u doorteen masuuliyada u sareysa
dalkeena.
“Yididiilada ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowlad ka
tarjumeysa himilooyinkooda waa mid aan har iyo habeen ku shaqeyn doono, anigoo
kaashanaya taageerada shacabka Soomaaliyeed.”
Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday siyaasiyiinta iyo shacabka
Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan in uu ka dhabeyo himilada ku saleysan
“Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah”.
0 Comments