Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa ka warantay imaatinka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna tiri, “Mudana ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaraha ee Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyey Sheikh Shakhbut bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale oo badan.
War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay goor sii horeysay oo maanta oo Axad ah in safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayo Imaaraadka uu qaadan doono muddo labo maalmood ah, isla markaana uu ku qotomo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Madaxweyne Sheikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya fududaynta socdaalka iyo hanaanka ganacsiga iyo sare u qaadida iskaashiga dhinac walba ah.
Dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan in socdaalkan uu muujinayo sida uu madaxweynaha Soomaaliya u daneynayo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.
0 Comments