Xidhiidhka wanaagsan ee Imaraatka iyo somaliland & Midhaha ka dhashay.

Somaliland & Emaraat
Tan ilaayo bilawgii burburkii dalkeena waxa taakulayn joogto ah la garab taagnaa shacabka somaliyeed dalka imaaraadka oo runtii kaalin buuxda ka qaatay badbaadinta danyarta somaliyeed xiliyadii ugu adkaa ee aynu soo marnay,

Dadaalka uu dalka Imaaraadku ka waday dhamaan gudaha dhulka somaliyeed ayaan la iloobi karin, waxaanay  dad badan ka badbaadiyeen abaarihii ba’naa ee dalka so martay, waxaanay dhawaan ka dhiseen somaliland buundo aad loogu baahi qabay.

Buudada uu Imaaraadku ka dhisay Somaliland, ayaa faa’iidooyin badan inoo leh mustaqbalka, waxaana kamida badbaadada dadka iyo ganacsiga xilliyada roobka, iyo iswaydaarsiga ganacsi ee gudaha Somaliland.

Buundadan ayaana kamida waxqabadka Imaaraadku ka hirgeliyo Somaliland,  sidoo kale magaalada Berbera ayuu ka furay warshad koronto oo cadceedda ku shaqaysa. 

Waxqabadka dalka imaraadku ka wado somaliland ayaa sidoo kale waxa kamida inuu berbera ka hirgaliyay Xarumo caafimaad iyo inuu sidoo kale horumariyay xarunta kelyaha ee Hargeysa.

Sidaa darteed waa in aan dhammaan uga mahad-celino walaaleheen Imaaraadka Carabta sida joogtada ah ee ay  garabka walaalnimo ugu muujinayaan umada somaliyeed, iyo kaalinta ay ka qaateen badbaadada shacabka somaliyeed xiliyadii ay dalka ka jireen abaaraha ba`ani.

Post a Comment

0 Comments