Waxqabadka iyo Maalgashiga Dalka Imaaraadku ka wado Somaliland.

Somaliland & Emarats.

Dalka imaaraadka ayaa mudooyinkii udanbeeyay maalgashiyo balaadhan ka sameeyay Somaliland, kuwaas oo ka qaybqaadan doona soo jiidashada maalgashiyo kale oo caalami ah.

Waxaanay ka dhiseen biriij, kaas oo wax weyn ka tari doona badbaadinta dad badan iyo dib u soo noolaynta isu socodkii ganacsi ee gudaha dalka.

Biriikjan ayaa kamida naafacaadka badan ee uu wax ku taray Somaliland, Runtii waana dalka kaliya ee waxqabad muuqda ka samaynaya dhamaan dhulka somaliyeed.

Sidoo kale waxa jira mashariic badan oo uu ka wado gudaha dalka waxaana kamida Warshada Korontada Sollerka ee magaalada Berbera, xarumaha caafimaadka Berbera, horumarinta xarunta kelyaha ee Hargeysa, mashruuca madaarka Berbera iyo balaadhinta dekedda Berbera.

Ugu danbayn waxaan uga mahad celinaynaa walaleheen imaaraadka carabta taakulaynta joogtada ah iyo  garabka ay marwalba inoola diyaarka yihiin, waxaanan leenahay ilaahay ha idinka abaal bari falalkiina suban ajar iyo xasanaadna ha idinku badalo.

Post a Comment

0 Comments