Dowladda Imaaraadka Carabta oo mar kale magaalada Muqdisho soo gaarsiisay deeq raashin gargaar ah.

Imaaraadka iyo Somaliya.

Waxa dekadda Muqdisho soo gaadhay shalay Markab gargaar oo laga leeyahay dalka imaaraadka carabta, kasoo siday gargaar dhan 572 tan oo raashin iyo agab loogu talo galay dadka ay abaaruhu sameeyeen ee somaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale magaalada Muqdisho soo gaarsiisay deeq raashin gargaar oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaruhu saameeyeen iyo danyarta somaliyeed.

Deeqdan raashinka ah oo ay keentay dowladda Imaaraadku ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka XJFS Mudane Axmed Abuukar Axmed.

\Sidoo kale wasiirka gargaarka ee Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay dowladda Imaaraadka kala wareegeen 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo raashin ah, taasoo walaleheen imaaraadku ugu deeqeen danyarta Somaliyeed.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa hore Soomaaliya usoo gaarsiisay deeq raashin ah oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee abaarta daran ee dalka ku dhufatay saameynta ku yeelatay.

Ugu danbayn waxaan uga mahadcelinaynaa walaaleheen Imaaraadka sida joogtada ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed kuwooda dhibaataysan, Runtii waa dalka kaliya ee inoo taakuleeya si aanay dano gaara kujirin.

Post a Comment

0 Comments