Abaarta ku dhufatay deegaannada Soomaalida oo saamayn xooggan ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa sidoo kale waxaa kasoo kordhay khatar aan horay loo arki jirin.
Deegaanno ka tirsan dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayay ka taagan tahay dhibaato aad u weyn, taasoo ka timid qaar ka mid ah xayawaanka.
Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in abaarta ay sababtay in xayawaankii cawska iyo dhirta kale cuni jiray ay hadda isu baddaleen bahallo cunaya hilibka dadka, weerarrana kusoo qaada meelaha la daggan yahay.
Bulshada ku dhaqan degmada Cadaadle ee ka tirsan gobolka Shabeelle ee Dowlad Deegaanka ayaa sheegay in ay halis ugu jiraan xayawaanno uu ka mid yahay daanyeerka oo si koogto ah u weerara, ujeeddadooduna ay tahay in ay dadka iyo xoolaha cunaan.
Khatarta ugu wayn waxaa ku jira carruurta yar yar oo cabsida ugu weyn loo qabo, Khasaaraha ay sababeen xayawaannadan ayaa durba saameyn ku yeeshay xoolo dhaqatada, waxaana taagan cabasho xoog leh, sida uu kusoo warramay wariyaha BBC-da ee aaggaas ku sugan.
0 Comments