Horraantii waxa uu ahaa Ganacsade badeecado kala duwan ka soo waarida waddamo dhawr ah oo u badan kuwa Carabta, kumana uu fikiri jirin in uu ka shaqeeyo xafiis dawladdeed, waxaase khasbay arrimo uu sheegay in uu kala kulmay siyaasiyiin geeska ku feeray ganacsigiisii. waa Ismaaciil Xaaji Nuur oo ah duqa magaalada Ceerigaabo ee caasimadda gobolka Sanaag, wuxuuna noqday kii ugu wakhtiga dheere duqoowda Somaliland.
Ismaaciil waxa uu sannadkii 1942dii ku dhashay deegaanka Midhishi oo 25Km dhanka waqooyi galbeed ka xiga degmada Ceerigaabo, halkaa ayuu ka bilaabay barashada Quraanka iyo waxbarashada asaasiga ah isaga oo gadaalkii u soo wareegey dugsiga caanka ah ee Dayax oo uu aqoontiisa ka sii watay.
Barbaarintiisii iyo waxbarashada Iskuulka kadib Ismaaciil waxa uu noqday ganacsade isaga oo BBC-da u sheegay in uu mudo 40 sanno ah ka shaqaynayey soo dejinta badeecaddaha kala duwan oo uu intooda badan ka keeni jirey Cadan iyo waddamada Khaliijka.
''Waxaan ganacsiga ka bilaabay meel hoose ilaa heer aan gaarey in aan anigu badeecadda debeda ka keeno oo Ceerigaabo iyo meelo kale u iibgeeyo'' ayuu yiri Ismaaciil .
Intii muddo ahayd ee uu hawlahaa ganacsi ku jirey Ismaaciil waddanka waxaa isu bedelayey arrimo dhawr ah, iyada oo dawladdii milaterigu dhacday isaga oo xilligaa dalka keenay Markab sonkor ah oo uu rabey in uu ku iibsho deegaamada gobolka Sanaag iyo dhulka ku dhow.
''Aniga oo markaa keenay markab sida 12,000 oo kiish oo sonkor ah ayaa fitnadii bilaabatay, waxaan na xog rasmi ah ku helay in aniga iyo rag kale aan ku jiro diwaanka dad dil toogasho ah ku xukuman, markaa ayeey noqotay in aan ka baxo Ceerigaaabo'', ayuu yiri Ismaaciil Xaaji Nuur oo BBC-da u warramayey.
Isaga oo ahaa Hantiile magaalada Bakhaaro kuleh ayuu ku khasbanaaday in uu habeen madow dhaqaaqo isaga oo aan hantidiisii meel ku ogaan,'' Waa ka baxay Ceerigaabo aniga oo sita go', shaar iyo surweel keliya waxaan magaalada iga saaray ina abtigay Xasan Cabdi Cabdalle oo aan isaga dawladdu sheki ka qabin markaa ayaa kaantarolka i dhaafiyey kadibna waxaan ku biiray Jamhaddii SNM'', ayuu dhahay.
Ismaaciil Mudadaa Jamhadda kadib waxa uu gadaalkii ka mid noqday dadkii ka qayb qaatay dib-u-heshiisiintii beelaah wada dega Degmada Ceerigaabo ee caasimada gobolka Sanaag, kaasi oo uu ka qayb galay shirkii ugu dameyey oo dhacay 1993, isaga oo xilligaa kadib u baydha ka shaqaynta local NGO'Ska oo uu mid asaasay kagana shaqayn jirey Somaliland oo markaa curdin ah.
Xilligaa Ismaaciil Xaaji Nuur maanka kuma hayn in uu ka shaqayo xafiis ama qabto masuuliyada dawladeed midna, waxaase dhacay arrimo uu sheegay in ay kalifeen soo geliddiisa siyaasadda.
'' Waxaan haystey NGO' iyo Shirkad dhisme, waxaanna joogey Hargeysa aniga oo labada hadba mid Haayaddaha wax kaga qaadan jirey, ayaa niman wasiiro ahaa dusha iiga baxeen, oo dheheen ninkaasi waa qaran dumis intay tageen meelihii aan wax ka heli jirey,, ayuu yiri Ismaacil
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in raggaa oo ay isku hayb ahaayeen uu ergeye laakiin aan waxba isbedelin oo laga soo xidhay meelihii uu wax ka heli jirey, xilligaa ka dib wuxuu soo aadey Ceerigaabo isag oo sheegay in uu u yimi maayarkii waagaa oo uu raggii ka ergeyey waxse uma qabsoomin,
''Maayarkii oo aan isku tol ahayn ayaan ku iri war anigu wasiir ma doonan karo ee adigaan maayarka kaa qaadin, horta saas ayaan meeshan ku tegey'' ayuu yiri Ismaaciil.
Sannadkii 2003 ayuu Ismaacil u tartamay xubin gole deegan isaga oo ku jirey liiska xubno u tartamayey xisbigii UCID oo uu markii ugu horeysay ka soo baxay, wuxuuna u tartamay guddoomiye oo uu ku soo baxay sannadkii 2003, wixii xilligaa ka dameeyey isaga ayaa loo dooranayey Maayarka Ceerigaabo oo uu ku soo baxay laba jeer.
0 Comments