Shaqaalaysiinta shaqaale dhagoolayaal ah, kuwaas oo la kulmay takoor ku dhawaad dhinac kasta oo noloshooda ah, ayaa ay Pallet Cafe dhinac wanaagsan inaga tusaysaa, Iyaga oo ku dul wareegaya miisaska iyo dhirta la qoray ee loogu talagalay in lagu fadhiisto kuwaas oo yaal kafateeriyada beerta ka samaysan, shaqaaluhu waxa ay kaa qaadayaan dalabka iyaga oo isticmaalaya Luqadda Farta ee Kenya, ama tilmaamo iyo dhaqdhaqaaqyo.
Waxa jira boodhadh ay ku qoran yihiin hordhaca iyo bilawga luqadda dhegoolaha ee aasaasiga ah, laakiin tusaale ahaan, mudalabyada ayaa laga yaabaa inay gariiraan si ay u waydiiyaan haddii qof doonayo dhalo qabow oo biyo ah, macaamilkuna wuxuu ku xaqiijin karaa taas isagoo suulka kor u qaadaya, Ama haddii ukun la dalbado markaas tilmaanta feedhaha ayaa loo isticmaali karaa si loo hubiyo haddii macmiilku doonayo in la karkariya.
Edward Kamande, oo ku biiray shaqaalaha meheraddan wax yar ka dib markii la furay Pallet Cafe 2019, wuxuu ka bilaabay shaqada kabalyeerinimo laakiin hadda waa maamulaha goobta, 26-jirkan ayaa yiri aas aasaha goobtan, ganacsade Feysal Xuseen, "Waxa uu iga dhex arkay jaanis, iyo in aan leeyahay tayo gaar ah."
Ganacsadaha, oo hore u ahaan jiray shaqaale gargaar, ayaa doonayey in uu furo meel aan kaliya adeegga ay bixisaa aanay ahayn suxuunta waaweyn, ee ay ku jiraan cuntada kala ee sida ukunta farsamaysan iyo shakshuka (cunto basbaas leh oo Waqooyiga Afrika laga cuno), laakiin sidoo kale wuxuu damacsanaa in uu shaqaalaysiiyo oo goobtiisa ay iska dhex arkaan dhinacyada bulshadu.
"Aragtideyda waxay ahayd inaan taageero bulshada dhegoolayaasha ah," ayuu yiri isagoo ka hadlaya ganacsigiisa oo hadda leh saddex laamood. Laantan - Lavington - in ka badan 30 ka mid ah 40-ka shaqaale ayaa ah kuwa maqalka naafo ah ama dhego la' , Mr Kamande waxa uu aaminsan yahay in lagu qiimeeyo qofka waxa uu qaban karo. "Ma jirto wax takoor ah oo ka jira shirkadeenna, halkan waxaa ka jirta xoriyad," ayuu yidhi.
Saddex sano ka hor, markii ugu horreysay ee uu kooxda ku soo biiray, Mr Kamande wuu xishoonayay oo werwersanaa, ayuu yidhi maamulihiisu laakiin hadda waxa uu noqday qayb aan laga maarmi karin oo socodsiiya ganacsigan, Mr Kamande kaliya ma maareeyo shaqaalaha balse sidoo kale wuxuu kormeeraa dhaqaalaha wuxuuna isha ku hayaa saadka iyo hantida meesha.
"Wuxuu jecel yahay shaqadiisa", ayuu yidhi, wuxuuna si gaar ah ugu faanaa mar kasta oo macaamiishu ku ammaanaan shaqaalihiisa heerkooda xirfadeed iyo adeeggooda, Badi weligood hore uma ay shaqaynin sidaa darteed ayay shaqadani u ahayd mid nolosha wax ka beddeshay.
Markii hore, Mr Xuseen wuxuu ku dhibtooday sidii uu u heli lahaa dad uu shaqaaleysiiyo, laakiin hadda uma baahna inuu si adag u baadho oo u hubiyo, maaddaama uu helayo bulsho dhan oo waraaqahooda shaqada aan cidi eegi jirin, Dhab ahaantii, kafateeriyada si guul leh ayay u shaqaysay oo u noqotay mid hadalhayn leh. Ganacsiyada kale waxay weydiiyeen haddii uu ka caawin karo shaqaale dhagoolayaal ah.
Sida uu sheegay Mr Kamande, caqabada ugu weyn ee dadka dhagoolayaasha ah ee Kenya ku nool ay la kulmaan ayaa ah in aanay hore u helayn fursad ay ku shaqeystaan, "Waxaa jira dad badan oo dhegoollo ah oo aan haysan fursado shaqo," ayuu yidhi.
Waxaa loo malaynayaa in ay dalka ku nool yihiin ugu yaraan 600,000 oo dhegoolayaal ah, in kasta oo takoorka ku salaysan naafada uu dastuurku mamnuucayo, haddana waxa ay weli la kulmaan caqabado waaweyn oo la xidhiidha helitaanka daryeel caafimaad, waxbarasho iyo shaqo.
0 Comments