Kenya ayaa isku diyaarinaysa inay dib u furto suuqa qaadka Soomaaliya iyadoo la filayo in horraanta bisha July la saxiixo heshiiska.
Wasiirka Beeraha Peter Munia ayaa ku dhawaaqay dhamaadka todobaadka in wadahadalka labada dal uu galay wajigii ugu dambeeyay, iyadoo heshiis la filayo labo todobaad gudahood.
"5-ta Luulyo, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi," Munya ayaa yiri intii lagu jiray ololaha doorashada Kenya ee la qorsheeyay horraanta Ogosto.
Mamnuucidda ayaa sababtay in maalin kasta la waayo in ka badan 50 tan oo qaad ah, kaas oo lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta $200,000.
Balse wasiir Munya ayaa u xaqiijiyay beeraleyda Jaadka Kenya in dhibaatadu ay heer gabagabo ah ku dhowdahay.
Intuu dadkii badnaa aad u farxay ayuu ku yidhi, “Kii beera qaadkiinna beera, beerihiinna soo diyaarsada, suuq baa iman doona”.
Wasiirka ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo qeybaha kale ee beeraha oo ay ka mid tahay caleemaha shaaha ay sidoo kale socdaan.
Waxayna dowladda Kenya ugu baaqday madaxweyne Uhuru Kenyatta in laga qaado xayiraadda qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya, iyadoo loo xaglinayo ganacsatada qaadka ee dalkeeda.
Kiiskan ayaa in muddo ah muran ka taagnaa, maadaama ay mamnuucday dowladdii hore ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ka jawaabtay arrimaha la xiriira ka ganacsiga Qaadka ee dalka Kenya oo warbaahinta qaar ay sheegeen in dhawaan uu dib uga furmayo Soomaaliya.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa BBC u xaqiijiyay in ay socdaan wadahadallo u dhaxeeya labada dhinac oo ku saabsan arrimo uu ka mid yahay qaadka.
Balse waxa uu sheegay in Soomaaliya lafteedu ay rabto waxa ay Kenya rabto si labada dhinacba ay u helaan natiijo miro dhal ah.
Maxay Soomaaliya weydiisaneysaa?:
Sida ay BBC-da u sheegeen ilo xog ogaal ah, waxaa weli socda wada-hadallada u dhaxeeya labada dowladood, mana jiro wax go’aan rasmi ah oo laga gaaray.
Arrintan ayaa dhowr jeer oo hore soo baxday, waxayna qeyb ka tahay heshiis ganacsi oo ballaaran oo u dhaxeeya labada dal ee deriska ah.
Sarkaal ka tirsan dowladda oo aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso in suuqa kalluunka uu ka soo galo dhaqaalo badan.
Haddii dhoofka kalluunka uu bilaabo, waxay dhabaha u xaari doontaa in wax-soo-saarka kale ee Soomaaliya laga dhoofiyo, sida dalagyada iyo xoolaha nool. Sidoo kale, waxaa jira suuq weyn oo ay u furan yihiin dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.
Kenya maxay ka tidhi?
Dowladda Kenya ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay in la qaado xayiraadda qaadka laga keeno Kenya.
Wasiirka Beeraha ee dalka Kenya Peter Munya ayaa u sheegay warbaahinta Jimcihii shalay.
Waxa uu sheegay in wada xaajoodka arrintan ku saabsan uu dhowaan soo dhammaan doono, isla markaana heshiis rasmi ah la saxiixi doono muddo labo toddobaad gudahood ah.
Peter Munya ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Kenyatta wadahadal uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Khamiistii.
Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxda Kenya inay fuliyaan dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.
1- Ku biiritaanka Bulshada Bariga Afrika:
In muddo ah, Soomaaliya waxay hamminaysay inay xubin ka noqoto Bariga Afrika oo ay hadda ku jiraan 7 waddan oo kala ah Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda, South Sudan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Furitaanka wada-hadallada ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay Kenya ka codsatay in ay kala shaqeyso sidii ay u xaqiijin lahayd hammigeeda ku aaddan ka mid noqoshada ururka bulshada Bariga Afrika.
Kenya ayaa ka mid ah dalalka ugu firfircoon EAC, waxayna door weyn ka qaadatay ka mid ahaanshiyaha South Sudan ee ururka, iyo kuwii ugu dambeeyay ee ku biiray.
Dawladaha xubnaha ka ah dallada waxay wadaagaan xidhiidh dhow. Dhammaan muwaadiniinteeda waxaa loo oggol yahay inay u safraan dalalkan oo ay si xor ah uga ganacsadaan.
Ujeedada ugu weyn ee Soomaaliya ee xubinimada EAC ayaa ah in la horumariyo dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Soomaaliya iyo in dadka sita baasaboorka Soomaaliya ay isaga kala gooshi karaan wadamada xubnaha ka ah EAC bilaa dal ku gal.
Haddii ay taasi dhacdo, ganacsatada Soomaaliyeed waxay heli doonaan xuquuq la mid ah tan dalalka kale, waxayna fursad u heli doonaan inay dhoofiyaan badeecadahooda kala duwan.
2- Fududeynta safarka:
Arrimaha ugu waa weyn ee ay Soomaaliya ka rabto Kenya ayaa waxaa ka mid ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo socdaalka ay ku tagayaan dalka Kenya.
Qof kasta oo ku safraya Baasaboorka Soomaaliga ayaa laga rabaa inuu helo fiisaha marka uu Kenya soo gaaro ka hor inta uusan raacin diyaaradda.
Mararka qaarkood waxay qaadataa dhowr bilood in la helo fiisaha oo ay ku baxdo lacag badan.
Inkastoo tan iyo sanadkii hore dadka Kenyan-ka ah ee u socdaalaya Soomaaliya ay ku qasbanaadeen in ay online ka dalbadaan fiisaha, ayaa haddana waxaa caado u ahayd in marka ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdalla ay qaataan fiisaha dal ku galka Soomaaliya.
Arrinta fududeynta socdaalka Soomaalida ee Kenya ayaa marar badan soo noq-noqotay, balse weli si toos ah loogama hadlin.
3- dhoofinta kalluunka:
Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in sidoo kale Soomaaliya ay dooneyso in kalluunka Soomaaliya loo dhoofiyo Kenya.
Munya ayaa ku sugnaa ismaamulka Meru, halkaasoo ay ku yaalaan beero qaadka.
Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofin jiray Kenya labo sano ka hor 19-kii Maarso, 2020, sababo la xiriira xayiraadda Covid-19.
Laakin hakadkaasi lama qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya labada dal.
0 Comments