Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Berri ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamed, iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al-shabaab.

   

Raysal wasaare Xamse

 Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa kulan doceed barbar socday shirka caalamiga ah ee Tokyo - TICAD8- ee ka socda magaalada Tunis ee dalka Tunisia la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat.


Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika (AU), gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.


“Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika – iyo qaabkii loo xoojin lahaa gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.


Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka iyo la dagaallanka Al-Shabaab iyadoo ciidamo ka socda Kenya, Itoobiya, Uganda, Jabuuti, iyo Burundi ay dowladda Federaalka ah ka caawiyaan sugidda ammaanka goobo muhiim ah.


Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dhawaan laga baddelay magacii (AMISOM) loona bixiyay (ATMIS). Hawlgalku wuxuu ku ekaa December 2021, waxaana ugu dambayntii lagu heshiiyey wax u muuqda kaliya magac ka beddel iyo muddo kordhin.


Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN) iyo dawladda Soomaaliya ayaa go’aamiyey in ATMIS shaqeyn doonto ilaa dhamaadka sanadka 2024-ka, iyadoo wixii ka dambeeyana dhammaan masuuliyadda lagu wareejin doono ciidamada ammaanka Soomaaliya.


RW xamse oo shalay khudbo ka jeediyay TICAD8, ayaa tilmaamay muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hay'adaha dowladda, isagoo xusay in amniga iyo degenaanshahu ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin.

Post a Comment

0 Comments