Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo saaray go’aan uu ku mamnuucayo in qof shaqaale ah shaqada laga ceyriyo, iyadoo aan la tashi kala sameynayn xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

    

Raysal wasaare Xamse

 Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa ka bixiyay go’aamo culus oo la xiriira ilaalinta ‘nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka’.


Go’aamadan ayaa waxa kamid ahaa in wasiirada cusub aysan xil magacaabis sameyn ama aysan kala bedalin masuuliyiinta hey’adaha ay madaxda ka yihiin, illaa inta ay waafajinayaan sharciga oo ay la tashi kala sameynayaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.


Raysal wasaaruhuna waxa uu sheegay in ujeedka laga leeyahay go’aankan uu yahay in la ilaaliyo sharciga, xuquuqda shaqaalaha iyo u sinaanta shaqada, maadama lagu guda-jiro xili kala guur ah oo wasaaradaha Xukumadda ay yeesheen masuuliyiin cusub.


Inta badan Wasiirada ayaa durtaba marka ay xilka la wareegaan waxaa dhici jirtay inay shaqada ka joojiyaan Mas’uuliyiinta wasaarada, sida Agaasimayaasha, taasi oo ka dhalan jirtay habacsanaan shaqo iyo is qabqabsi hor leh.


Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda mid uu ku xakameynayo awoodaha Wasiiradiisa inay isbedel si iskood ah iska sameeyaan, iyagoo aan la tashan.


Amarkaan uu Ra’iisul Wasaaruhu dul dhigay masuuliyiinta Dawlada ee wasiirradu ay ugu horeeyaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaan ay xowli u socoto xil wareejinta wasiirradii hore, kuwo cusubna ay xafiisyada la wareegayaan.


Sidoo kale Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha Dawlada ay cabsi ka muujinayaan in ay ku waayaan shaqooyinkooda isbedelada siyaasadeed ee dalka ka jira.


Post a Comment

0 Comments