Ka shaqeynta Imaaraadka ee gargaarka bini'aadantinimo ee loogu talagalay dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha sida Suudaan iyo Pakistan, iyo abaarta Soomaaliya, iyo dalal kale oo ay horay u saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale, taasi waa mid ka mid ah siyaasaddeeda arrimaha dibadda iyo Wanaagga hab-dhaqankeeda bini'aadantinimo ee ka jawaabista baaqyada dadka dhibaataysan meel kasta oo ay joogaan.
Imaaraadku waxa uu qabanayo ee uu hormuudka ka yahay Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Dawladda, waa fariin bini’aadantinimo, ujeedada kali ah ee laga leeyahay waa yool cad, hadafkooduna waa bini'aadamka dhammaan dhinacyada oo dhan inay helaan Gargaar, taas oo ay ugu muhiimsan tahay Sugidda mustaqbalka iyo helitaanka wanaag iyo nolol hufan taas jiilasha danbe.
Habkan, waxaa lagu dhisaa xiriirka ka dhexeeya ilbaxnimada iyo ummadaha, waxaana lagu kobcayaa xiriirka iyo himilada, taasoo ay horseedeysa yididiilo iyo rajo laga qabo in laga gudbo dhammaan dhibaatooyinka.
Dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay Abaaraha dalkeena waxaa ka mid ah dadka ugu liita sida haweenka & caruurta oo aan helin gargaar, cuno, caafimaadka Hadaba Gargaarkii uu inoo keenay Imaaraadku wuxuu marka hore bartilmaameedsanayey qaybahaas taas ay ku muuqato Naxariis & danqasho.
Waxa kale oo aan shaki ku jirin in Imaaraadka marka uu falkan samo-falka ah sameeyo uu xoojinayo sumcadda bini’aadminimo, isla markaana uu kor u qaadayo doorka hoggaamineed ee uu ku dhex leeyahay dhammaan dalalka adduunka, sidaas darteedna uu ku kasbado sumcad iyo karaamo dheeraad ah.
Hadaba Halkii masiibooyinka la isu dhiibi lahaa, waa in la garawsado in daadadka waaweyn, dabka, abaarta aan hore loo arag sida tan dalkeena ka jirta iyo barafku dhalaaliyeen ay la mid yihiin farriimaha u baahan jawaab-celin wadajir ah oo dhinacyada oo dhan ah iyada oo laga shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa sababaha keenay ifafaalahan ee la xidhiidha saamaynta isbeddelka cimilada.
0 Comments