Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi barre ayaa kala hadlay wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya xoojinta wada shaqeynta iyo gurmadka Abaaraha.

 

Raiisal wasaare Xamse iyo Maamulaha bankiga adunka

Raiisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la kulmay wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya , Kristina Svensson, waxaana uu kala hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo gurmadka Abaaraha.


Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sare u qaadida wada shaqeynta u dhaxeysa Bankiga Adduunka iyo dowladda Soomaaliya, waxa ayna dib u eegis ku sameeyeen howlaha samafalka iyo Gargaarka  loo fidinayo dadka ay saameeyeen abaaraha.


Christina ayaa warbixin ka siisay Ra’iisul Wasaaraha howlaha kala duwan ee horumarinta Bankiga Adduunka ee Soomaaliya – gaar ahaan dadaalka iyo gargaarka bini’aadantinimo ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.


Raiisal wasaare  Xamza Cabdi Berri ayaa uga mahadceliyey Bankiga Adduunka taageerada ay Soomaaliya la garab taagan yihiin, isagoo ku dhiirri geliyay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah si loo fuliyo qorshayaasha iyo barnaamijyada muhiimka u ah dowladda.


Bangiga Adduunka ayaa taageero dhaqaale siiya dowladda federaalka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale bangiga maalgaliyay mashaariic kala duwan oo laga fuliyay qeybo kamid ah Soomaaliya.


Post a Comment

0 Comments