Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) Mousa Faki Mahamat ayaa danjire Mohamed El-Amine Souef, oo u dhashay Comoros u magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Danjire El-Amine ayaa baddelaya Francisco Madeira oo bishii April ee sanadkaan uu dalka ka raacdeeyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii uu faragalin ku sameeyay arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isla-maraakana uu gaf kula kacay siyaasiin caan ah.
Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan sida; Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros, Safiirka Masar ee dalkaas iyo Wakiilka Joogtada ah ee dalalka Jaamacadda Carabta u qaabilsanaa Comoros, sidoo kale La Taliyaha Madaxweynaha ayuu soo noqday.
Sidoo kale wuxuu soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee magaalada Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA) iyo Madaxa Xafiiska Gobolka ee Madaxa Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID).
Mohammed El-Amine Souef ayaa laga sugayaa inuu abuuro hannaan kalsooni maadaama Francisco Madeira burburiyay qeyb weyn oo ka mid ah sumcaddii howl-galka, waxayna magacaabidda El-Amine ku soo beegmeysaa xilli ay dalka ka billowdeen howlgallo ka dhanka ah Al-shabaab.
0 Comments