Rooble oo la kulmay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Saayid.

RW Rooble & Sheikh Maxamed Binu Saayid

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo dhoweeysay raali gelintii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay lacago Imaaraadku leeyahay oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho bishii April 2018.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Imaaraadka ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan kooban oo ay soo saartay, xilli uu dalkaas ku sugan yahay raysal wasaare Rooble.

Dhaxal sugaha magaalada Abu Dhabi ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa qaabilay raysal wasaare Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta.

Kulanka oo ka dhacay Qasr Al Watan, ayaa Sheekh Maxamed Bin Zayid iyo Rooble waxa ay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal si ay danahooda u horumariyaan.

Sidoo kale waxaa la isku weydaarsaday aragtiyo dhowr ah oo labada dhinac khuseeya, sida in UAE ay Soomaaliya ka taageeero arrimaha gargaarka.

Hadaba booqashada Rooble ee dalka imaaraadka ayaa la rumaysan yahay inay xoojin doonto xidhiidhka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Dalka imaaraadka carabta iyo Somaliya waxa ka dhexeeya xidhiidh soo jireen ah oo aanay siyaasad xumo burin karin, waayo waa dalka kaliya ee si hagar la`aana u taakuleeya mar walba umada somaliyeed kuwooda dhibaataysan.

Post a Comment

0 Comments