RW Somalia ayaa shalay magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labad dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha, dhoofka xoolaha Somalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale waxay si gaar ah diirada u saareen sida ay xiligan lagama maarmaan u tahay sidii dal-kugalka (Fiisooyinka) loogu fududeyn lahaa Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid ayaa ballan-qaaday in dowladdiisu kordhin doonto gar-gaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Ugu dambeyntiina Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahad-celiyay kaalinta dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka abaaraha ee dalka.
Waxa xusid mudan Dowladda Imaaraadku inay inaga taageeri jirteen dhanka ciidamada iyo mushaharkooda oo ciidamo badanoo ku sugan gudaha somaliya ayay tababareen.
Sidoo kale Imaaraadka Carabta ayaa albaabada u furi doonta Somalida kadib marka la fududeeyo fiisooyinka dal ku galka ee ay kaga imaanayaan Somaliya.
0 Comments