Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Warsaxafadeed deg deg ah kasoo saartay weerar Al-shabaab ay ku dileen ku dhawaad 20 ruux oo safar ahaa, islamarkaana ay ku gubeen gaadiidkii ay la socdeen oo ahaa ilaa 8 baabuur oo raashiin u siday degmada Maxaas iyo deegaano hoostaga.
Weerarkan oo Xalay ka dhacay deegaanka Afar irdood oo u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan ayay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku sheegtay inuu yahay mid waxuushnimo ah.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxda Shabaab ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka.
Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ficilada Al-shabaab ay muujinayaan iney tabar yareeyeen oo aysan wajahi karin ciidanka dawladda Soomaaliya oo taas badalkeedu ay dhibaateynayaan dadka rayidka ah ee Abaartu hayso, waxayna sheegtay iney sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, kaasoo lagu doonayo in lagaga xureeyo shabaab guud ahaan dalka.
Waxaana ka go’an in kooxda ee Al-shabaab Waddanka oo idil laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo dalka.
0 Comments