Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamse ayaa warbixin ka dhageystay dhismaha Hay’adda Xisaabaadka Soomaaliyeed iyo howlaha horyaala Hay’adda Hanti dhowrka Maaliyadda

  

Madaxwayne Xasan sheekh & Raysal wasaare Xamse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa warbxin ku aaddan hawlaha la xiriira dhismaha hay’adda iyo doorkeeda shaqo ka dhagaystay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo xubno ka tirsan Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).


Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addan oo door wanaagsan ka qaadan doonta soo saarista xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh.


 kuwaas oo qayb ka noqon doona dadaallada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa tilmaamay in la dardargaliyo dhammaystirka dhismahaha hay’adda isaga oo xusay baahida loo qabo Shaqaale  xisaabiyeyaal xirfad leh maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan taabanaya.

Post a Comment

0 Comments