Boqorad Elizabeth II iyo Afrika Xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay

Elizabeth II


Boqorad Elizabeth II  ayaa la sheegay in ay boos gaar ah ku lahayd qalbiyada Afrika, waxayna ku sugneyd qaarada qeyb ka mid ah xilliyadii muhiimka ahaa ee nolosheeda.


ka hor inta aysan boqorad noqonin ayaa Elizabeth oo xilligaasi Amiirad ahayd waxay degtay Hotel Treetops oo hadda la xidhay oo ku yaallay qayb ka mid ah miyiga Kenya, waxaana hareeraha ka xigay dhir cagaaran, geedo dhaadheer iyo duurjoog, markii aabbaheed, boqor George VI uu dhintay, waxayna sidaas ku noqotay boqorad iyadoo 25 jir ah.


Muddadii 70-ka sano ahayd ee ay xukunka haysay waxay booqatay in ka badan 20 waddan oo Afrikaan ah, waxayna mar si kaftan ah ula hadashay Nelson Mandela, madxeynihii hore ee Koonfur Afrika.


Boqoraddu waxay xiriir gaar ahaaneed oo diirran la lahayd Mandela – oo ahaa halyeygii Koonfur Afrika ee hoggaaminayey dagaalka lagaga soo horjeedo xukunkii caddaanka ee dalkaas.


Hay’addii uu aasaasay ayaa muujisay sida ay uga xun tahay geerideeda, iyadoo bayaan ay soo saartay ku tiri : "Sidoo kale waxay ku wadahadli jireen taleefanka si joogto ah, iyagoo isticmaalaya magacyadooda koowaad taas oo caalamad u ahayd ixtiraam labada dhinac ah iyo sidoo kale kalgacal."


Waxa uu xitaa magac gaar ah u bixiyay Boqorada, “Motlalepula”, oo macneheedu yahay inay roob la timid sababtoo ah booqashadeedii 1995 ee ay dalka ku tagtay intii uu madaxweynaha ahaa waxa ay ku soo beegantay xilli roobaadkii dalka ugu wanaagsanaa muddo sanado.


Markii ay dhaxashay boqortooyo baaxad leh oo ku baahsan qaaradda Afrika oo ay noqotay boqorad, xukunkeedu waxa uu la jaan-qaaday  dhammaan 14-kii dal ee Afrikaanka ahaa ee Ingiriisku gumaysanayey oo xornimadoodii helay, laga billaabo Ghana sannadkii 1957-dii.


Boqoraddu waxay ku guulaysatay inay sii wado xiriir diirran oo la leedahay dalalkaas, iyada oo qeyb ahaan loo marayo aasaaskii ururka Barwaaqa-sooranka.


Sannadkii 1961-dii, waxa la sawiray iyada oo la dheelaysa Kwame Nkrumah, oo hoggaaminayey ololihii madaxbannaanida Ghana oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey.


Haddaba, hoggaamiyayaasha ka kala socda qaaradda Afrika ayaa ammaanay boqortooyada Britain iyo qaybo ka mid ah boqortooyada ugu muddada dheer ee Barwaaqo-sooranka.


Madaxweynaha dalka Kenya , Uhuru Kenyatta, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay boqoradda, isagoo ku tilmaamay inay ahayd qof aad u sarraysa oo u adeegta bini’aadantinimada, isla markaana hormuud u ahayd Boqortooyada Ingiriiska iyo Ururka Barwaaqo-sooranka.


In kasta oo xiriirka Zimbabwe iyo UK uu sannado badan ahaa mid aan wanaagsanayn, taasoo keentay in madaxweynihii geeriyooday ee Robert Mugabe uu ka baxo ururka Barwaaqo-sooranka, haddana Emmerson Mnangagwa, madaxweynaha isaga baddalay ayaa si degdeg ah bartiisa Twitter-ka u soo qoray " tacsi tiiraanyo leh " oo uu la wadaagayo qoyska boqortooyada iyo "Shacabka UK, iyo ururka Barwaaqo-sooranka."


Hoggaamiyaha Nigeria, oo ah dalka  ugu weyn dalalkii ay Britain gumeysan jirtay ee Afrika, Muhammadu Buhari ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray ammaan dheer, isagoo sheegay inuu geerideeda ka war helay ayna tahay "murugo aad u weyn."


Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay Boqorka Charles-ka III ee boqortooyada.


Inkastoo madaxda qaarada Afrika ay tacsi tiiraanyo leh u direen, ayaa haddana waxaa jira dad kale oo Afrikaan ah oo ka hadlay dhibaatadii ka soo gaartay gumeystihii Ingiriiska, iyagoo tilmaamay in inta badan gumeysiga lagu soo galay magaca qoyska boqortooyada.


Qaar ka mid ah boqorrada Afrika ayaa iyaguna muujiyay sida ay uga xun yihiin geerida boqoradda. Amiir Mangosuthu Buthelezi oo matalaya magaca Boqor Misuzulu KaZwelithini, hogaamiyaha dadka Zulu ee Koonfur Afrika ayaa tacsi u diray qoyska waxa uuna iftiimiyay "saaxiibtinimadiisa qaaliga ah" ee uu la leeyahay Boqor Charles-ka III, isaga oo u diray tacsi shakhsi ah.


Boqor Misuzulu ayaa si fiican u fahmaya xaaladda uu ku sugan yahay Boqor Charles, maadaama aabihiis Zwelithini uu dhintay sanadkii hore, ka dib 50 sano uu ku fadhiyay kursiga boqortoyada.


Boqoradda ayaa safar ku joogtay Koonfur Afrika markii ay u dabaal dageysay dhalashadeeda 21-aad sanadkii 1947-dii.


Post a Comment

0 Comments