Boqorad Elizabeth Il oo ahayd bogorrada ugu muddada dheer UK avaa ku geeriyootay Balmoral, iyadoo 96 jir ah, muddo 70 sano oo ay xukunka haysay kaddib.
Waxay galabnimadii Khamiista si nabdoon ugu geeriyootay deegaankeeda Scottish, halkaas oo inta badan waqtigeedii xagaaga ay ku qaadatay.
Boqoraddu waxay xilka la wareegtay sanadkii 1952, waxayna goobjoog u ahayd isbedello badan oo dhinaca bulshada ah.
Wiilkeeda Boqor Charles III ayaa sheegay in geerida hooyadiis ay “xilli murugo badan” u tahay isaga iyo qoyskiisa, isla markaana geerideeda ay noqoneyso mid “si aad ah looga dareemo” adduunka oo dhan.
Wuxuu yiri: “Murugo ayay nagu haysaa geerida hooyadeydii aadka loo jeclaa.
“Waan ogahay in geerideeda si weyn looga dareemayo dalka, dalalka Barwaaqo-sooranka ah iyo inay dareemi doonaan dad aan la soo koobi karin oo dunida ku nool.”
Waqtiga nagu soo wajahan inta lagu jiro, wuxuu xusay in isaga iyo qoyskiisa ay noqon doonaan “kuwa ku sugan nasteexo, ku negaan doona aqoonteenna, ixtiraamka iyo kalgacalka qotoda-dheer ee aan u haynay Boqorradda”.
Boqorka iyo xaaskiisa Camilla oo hadda ah Boqoradda ayaa Jimcaha ku noqon doona London, sida uu sheegay Qasriga Buckingham.
Xubnaha waaweyn ee qoyska boqortooyada ayaa isugu yimid Balmoral markii ay dhaqaatiirtu gelinkii hore ee maalinta walaac ka muujiyeen xaaladda caafimaad ee Boqoradda.
Dhammaan carruurta Boqorradda waxay u safreen Balmoral oo u dhow Aberdeen, kaddib markii ay dhaqaatiirtu geliyeen Boqoradda xaalad caafimaad oo si dhow loola soconayo.
Wiilka ay ayeeyada u tahay ee Amiir William iyo walaalkiis Amiir Harry ayaa sidoo kale ku sugnaa halkaas.
Raysul wasaaraha cusub ee UK Liz Truss oo Boqoraddu ay magacowday Talaadadii ayaa ku tilmaantay Boqoradda "aasaas ay Britain-ta casriga ah ku dhisneyd", iyadoo raacisay: "Waxay na siisay xasilloonni iyo hal-adeyg aan u baahneyn.”
Iyadoo ka haleysay Boqorka cusub ayay tiri: “Waxaan la garab taagannahay daacadnimadeenna iyo ka go’naanteenna, si la mid ah sidii ay hooyadiis in badan waqti dheer u garab taagnaayeen.
Boqorad Elizabeth II intii ay hoggaamineysay wuxuu waddanku ka soo gudbay murugadii dagaalka, xilligii maamulka boqortooyada ilaa Barwaaqo-saaranka, dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa, ka mid noqoshadii – iyo ka bixistii Midowga Yurub.
Muddadii ay boqortooyada haysay waxaa Ingiriiska soo maray 15 raysul wasaare laga soo billaabo Winston Churchill, oo dhashay 1874-kii, laguna daray Ms Truss oo dhalatay 101 sano kaddib 1975-kii.
Kulan toddobaadle ah ayay la qaadan jirtay raysul wasaaraheeda intii ay boqoradda ahayd.
Qasriga Buckingham ee London dadweyne ka war sugaya xogtii ugu dambeysay ee xaaladda Boqoradda oo halkaas ku soo ururay ayaa billaabay inay ilmeeyaan markii ay maqleen geerideeda.
Calanka Midowga ee surnaa dusha sare ee qasriga ayaa hoos loo dhigay markii ay saacaddu ahayd 18:30 xilliga Britain, shaacinta rasmiga ah ee geerideedana waxaa lagu soo daabacay bannaanka.
Geerida Boqoradda awgeeda Amiir William iyo xaaskiisa Catherine, waxay noqdeen Duke iyo Duchess-ta Cambridge iyo Cornwall.
Boqorad Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxa ay 21-kii bishii Abriil 1926-kii ku dhalatay Mayfair, London.
In yar un baa sii oddorostay inay noqon doonto boqorad, hase yeeshee intii lagu jiray Diseember 1936-kii adeerkeed, Edward VIII ayaa xilka boqortooyada ka degay si uu u guursado Wallis Simpson oo ahayd haweeney Ameerikaan ah oo labo jeer la soo furay.
Elizabeth aabbeheed ayaa noqday Boqor George VI, isagoo 10 jir ah, Lilibet, sida looga yaqaannay qoyska, waxay noqotay sugaha dhaxalka boqortooyada.
Muddo saddex sano ah gudahood, Britain waxay dagaal la gashay Nazi-gii Jarmalka. Elizabeth iyo walaasheed ka yar Amiirad Margaret waxay waqtigooda ugu badan intii uu dagaalku socday ku qaateen Qasriga Windsor, kaddib markii uu waalidkood diiday soo-jeedin ahayd in loo kaxeeyo Kanada.
Markii ay gaartay da’da 18 jir, Elizabeth waxay shan bil la qaaday Auxiliary Territorial Service, waxayna baratay waxyaabaha aasaasiga ah ee la xiriira farsamada baabuurta (makaanik) iyo xirfadda gaari-wedista. “Waxaan billaabay in aan fahmo dareenka isku dhafan ee heybadda iyo daacadnimada leh ee ay muujiyeen xubnaha kooxda ee ku soo dhex baxaya xaaladda adag,” sidaas ayay waa dambe tiri iyadoo dib u xusuusaneysay.
Intii uu dagaalku socday, waxay waraaqo isweydaarsadeen ina-adeerkeed saddexaad, Philip, Amiirka Giriig, oo la shaqeynayay Ciidanka Badda ee Boqortooyada. Xiriirkooda jaceyl wuu miro-dhalay, waxayna lammaanuhu isku guursadeen Westminster Abbey 20-kii November 1947-kii, iyadoo Amiirku uu qaatay xilka Duke of Edinburgh.
Mar dambe waxay ku qeexday “kartideyda iyo sugnaanteyda” muddo 74 sano ah oo ay is-qabeen, ka hor intii uusan geeriyoon 2021-kii isagoo 99 jir ah.
Wiilkoodii ugu horreeyay, Charles, waxa uu dhashay sanadkii 1948-kii, waxaana ku xigtay walaashiis Anne oo iyadana dunida timid sanadkii 1950-kii, Amiir Andrew, oo dhashay 1960, iyo Amiir Edward oo dhashay 1964-kii. Intii u dhaxeysay muddadaas, waxay waalidkood u horseedeen inay yeeshaan siddeed carruur oo ay awoowe iyo ayeeyo u yihiin iyo 12 kale oo ay abuullan u noqdeen.
Amiirad Elizabeth waxay joogtay Kenya sanadkii 1952-kii, iyadoo wakiil ka ah Boqorka oo xanuunsanaa, markii Philip uu u sheegay warka ku saabsan geerida aabbeheed. Waxay markiiba dib ugu noqotay London iyadoo ah Boqoradda cusub.
“Marka guud ahaan waxa ay ahayd arrin si kadis ah xil loola wareegayo, isla markaana aad sameyneyso dadaalkaaga oo dhan si shaqada aad uga dhigto mid fiican," ayay mar dambe dib u xusuusatay.
Elizabeth waxaa lagu boqray Westminster Abbey labadii Juun 1953-kii, iyadoo 27 jir ah, waxayna in ka badan 20 milyan oo qof dad lagu qiyaasay ay ka daawadeen TV-ga oo laga sii daayay munaasabadda oo la sii duubay.
Tobannaankii sano ee xigay waxaa dhacayay isbeddel weyn, iyadoo la soo afmeeray maamulkii Boqortooyada British ee ka talinayay adduunka oo dhan iyo lixdameeyadii oo la beddelay dhaqankii bulsho ee gudaha.
Elizabeth waxay boqortooyada u beddeshay qaab ka yara duwan xilligii hore, iyadoo bulshada u dhex gashay qaab socod ah, inay soo booqdaan boqortooyada iyo inay ka qeyb gasho dhacdooyin bulsho. Waxaa joogto ahaa daacadnimada ay u haysay Ururka Barwaaqo-sooranka – waxay booqatay dal kasta oo Barwaaqo-sooranka xubin ka ah ugu yaraan hal mar.
Laakiin waxaa jiray xilliyo xanuun badan oo nolosha gaarka ah iyo tan guudba leh. 1992-kii wuxuu Boqoradda u ahaa “sanadkii musiibada iyo nasiib-darrada”, dabkii baabi’iyay Qasrigii Windsor dartiis – deegaan gaar ah oo sidoo kalena ahaa qasriga lagu shaqeeyo – saddex carruurteeda ah ayuu sidoo kale guurkooda burburay.
Geeridii Diana, Amiiradda Wales ee shilkii gaari ee ka dhacay Paris 1997-kii, Boqoradda waxaa lagu dhaliilay in heerka ay uga falcelisay ee guud uu u muuqday inuu ahaa mid aan ku habbooneyn.
Waxaa su’aalo laga keenay sida ay boqortooyadu uga jawaabtay arrimaha bulsho ee casriga ah.
“Ma jirin nidaam … filashadu waxay ahayd in laga madaxbannaanaado faaqidaadda kuwa muujiyay sida ay daacadda u yihiin, una taageersan yihiin, iyadoo aan la xuseyn kuwa aan sidaas ahayn,” ayay qirtay.
Iyadoo 21 jir ah oo amiirad ah ayay Elizabeth ballan-qaadday inay nafteeda u hureyso adeegga dadweynaha.
Ballataas iyadoo ka ambaqaadeysa tobannaan sano kaddib, intii lagu jiray xuska 25 sano-guurada (Silver Jubilee) ee 1977, waxay shaacisay: “Inkastoo aan ballantaas qaaday waayadii yaraanta, markii ay koobneyd waaya-aragnimadeydii go’aan-qaadasho, haddana kama qoomameynayo, mana ka noqonayo hal eray oo ka mid ah.”
Isla mowqifkaas oo kale waxay 45 sano kaddib ku qaadatay dhambaal mahadcelin ah oo ay u dirtay qaranka, toddobaad-dhamaadkii dabbaal-deggeedii 70 sano-guurada (Platinum Jubilee) ee bishii Juun.
Xilli taariikhi ah ayaa lagu maamuusay munaasabado isku dhaf ah, iyadoo xitaa waddooyinka xaflado lagu dhigay.
Tiiyoo caafimaadka Boqoradda uu suurtagelin waayay inay ka qeyb gasho musaasabadaha qaar, waxay tiri: “Qalbigeyga wuu idinla jiraa dhammaantiin.”
Waqti farxad leh oo ay kala qeyb galeen dadweyne isugu soo baxay the Mall, waxaa goobjoog ka ahaa saddex jiil oo qoyskeeda ah oo ku sugnaa balakoonka Qasriga Buckingham bandhiggii ugu dambeeyay.
Boqor Charles oo 73 jir ah ayaa noqonaya hoggaamiyaha waddanka iyo 14 dal oo ka tirsan Ururka Barwaaqo-sooranka oo boqortooyada hoostaga.
Isaga iyo xaaskiisa, Camilla, waxay ku sugan yihiin Balmoral iyadoo ay weheliyaan carruurtiisa Amiirad Anne, iyo Amiirrada kala ah Andrew iyo Edward.
Waxaa weheliya xaaska Edward, Sophie iyo iyo Amiirrada kala ah Andrew iyo Edward.
William xaaskiisa, Catherine, waxay Windsor kula sugan tahay carruurtooda - George, Charlotte iyo Louis – maaddaama ay ahayd maalintoodii ugu horreysay ee iskuulka cusub.
Qoyska Boqortooyada wuxuu hadda ku jiraa xaalad baroor-diiq ah.
Munaasabadaha rasmiga ah waa la baajin doonaa, iyadoo calamada Midowga qeyb ahaan hoos loo dhigi doono deegaannada boqortooyada, dhismeyaasha dowladda, iyo guud ahaan ciidanka qalabka-sida iyo xarumaha UK ee adduunka oo dhan.
Hoggaamiyeyaasha shisheeye ayaa dhambaallo tacsi ah ka diray geerida Boqoradda, waxaa ku jira madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo xusay sidii ay u garab-taagneyd midnimada Mareykanka “maalmihii mugdiga” kaddib weerarkii argagixiso ee 9/11.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron wuxuu tilmaamay inay ahayd “Boqorad leh qalbi-naxariis badan” sidoo kalena ahayd “saaxiibka Faransiiska”.
Raysul wasaaraha Canada, Justin Trudeau wuxuu sheegay inay Boqoraddu si joogto ah qeyb uga ahayd nolosha dadka Kanada, ayna ka mid ahayd “dadka loogu jecel yahay adduunka”.
0 Comments