Howlgallada ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ka wadaan Al-shabaab ayaa weli ka socda deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, iyadoo aan joogsaneyn, iyadoo inta uu socdayna khasaare xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada.
Dagaalyahano ka tirsan maleeshiyaatka dowlada oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka ayaa dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Ceeliili oo qiyaastii 30 KM u jira degmada Maxaas ku qaaday Alshabaab, waxaana halkaasi ku dagaalamay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalladaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo ay korortay khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Waxayna wakaaladdaha wararku sheegayaan in khasaaraha Al-shabab uu gaaray ilaa 50 askari oo Al-shabaab ah.
Waxaa la sheegay in ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ay guulo ka gaareen dagaalka, isla markaana ay u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana u suuragashay Shabaab in ay ka furteen maxaabiis iyo xoolo ay Shabaab ka dhaceen.
Tan iyo markii Al-Shabaab ay labaatan qof oo rayid ah ku toogteen deegaanka Afar iridood ee gobolka Hiiraan, waxaa sii kordhayay weerarada ay geysanayaan ciidamada deegaanka oo jawaab u ah dhaq dhaqaaqyada iyo falalka foosha xun ee Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dhawaan xasuuq bahalnimo ah u geystay Shacabka reer Hiiraan, waxaana ay ku dileen ku dhawaad 20 qof oo rayid ah oo isugu jiray haween, caruur iyo dad waayeel ah, sidoo kale waxaa ay burburiyeen gawaari ay raashiin u rarneyd xilli habeen ah weerar ay ku qaadeen deegaan ku dhow magaalada Beledweyne oo qiyaastii 300 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.
0 Comments