Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay inuu gacan u fidin doonto gargaar iyo gurmadba dadka dhibaateysan ee somaliya.


gargaarka Imaaraadka

Qarammada Midoobay ayaa soo saartay " baaq cusub oo gargaar ah" Isniintii shalay, waxayna sheegtay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macaluul khatar ku ah kala bar dadka, taasoo ka dhalatay abaarta iyo saameynta dhaqaale ee dagaalka Ukraine iyo sidoo kale. iyadoo qalalaasaha amni ee jira marka la eego weerarada joogtada ah ee Xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, waxaana Imaaraadka  Carabta ay ka jawaabeen Qaramada Midoobay codsi ay u dirtay walalaha Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqday in ay gacan u fidin doonto Gargaar  iyo gurmad. 


gargaar bini'aadantinimo ee Imaaraadka  waxay ballan qaadeen in ay bixin doonaan wax badan oo lagaga hortagayo abaaraha iyo in la taageero haqab-beelka cuntada.


Madaxa xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ka bilaabay baaq uu beesha caalamka ka codsanayo in la caawiyo Soamlia, maadaama ay suurtogal tahay in ay macaluul baahsan  ay ka dilaacdo, nafaqo-xumo, dhimashada carruurta oo korodhay, iyo barakaca boqollaal kun oo qof oo ay abaaruhu saameeyeen.


Todobaadki hore, maamulada Soomaaliya ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo ay kaga dalbanayaan beesha caalamka in la caawiyo labada milyan ee qof ee halista ugu jira cunno yarida oo ka mid ah ku dhawaad ​​8 milyan oo Soomaali ah oo ay abaaruhu saameeyeen.


Dabayaaqadii bishii June, Save the Children waxa ay beesha caalamka uga digtay in Soomaaliya ay ku sii socoto “macaluul ba’an”.


Marka loo eego tirooyinka Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya, qiyaastii 7.8 milyan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed (ilaa 16 milyan) ayaa u baahan gargaar cunto.


Bishii Luulyo ee la soo dhaafay, Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Bani’aadantinimada iyo Gurmadka Abaaraha, C/raxmaan C/shakuur ayaa xaqiijiyay in 300,000 oo Soomaali ah ay hadda la ildaran yihiin gaajo.


Warbixin la daabacay xagaagii lasoo dhaafay, xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada ayaa shaaca ka qaaday in 1.5 milyan oo caruur Soomaaliyeed ah ay la il daran yihiin nafaqo darro xaalado abaareed, kuwaas oo 356,000 oo ka mid ah ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan nafaqo darro ba'an ka hor dhammaadka bisha Sebtembar.


12-kii Ogosto, Majaladda “TIME” ee Mareykanka ayaa soo xiganeysa Xiriiriyaha Gargaarka Bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdel Mawla, in kumannaan Soomaali ah ay u dhinteen cunto la’aan.


Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaartii ugu darneyd muddo 4 sano ah, waxaana dhul ballaaran oo dalka ka mid ah ay noqdeen abaaro, waxaana abaartu ay waxyeelo u geysatay dalagyadii beeraha.


Abaartan – oo ay khubaradu sheegeen in ay ka dhalatay isbeddellada cimilada oo ay ku jiraan inta badan gobollada dunidu – waxa ay ka dhalatay 4 xilli roobaad oo aan ku filnayn, taasoo ah arrin aan hore loo arag muddo 40 sano ah ugu yaraan, waxaana la filayaa in xilli-robaadkii shanaad ee qallayl ah la galo bisha Oktoobar iyo Noofambar ee soo socota.


Dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukrain tan iyo 24-kii bishii hore ee February ayaa saameyn weyn ku yeeshay Soomaaliya oo 90% ka soo dhoofsata cunista qamadiga labada dal.


Bishii Luulyo ee la soo dhaafay, Cabdiraxmaan Cabdul Shakuur oo ah ergayga Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha bini’aadantinimada iyo wax ka qabashada abaaraha ayaa sheegay in cunno yarida ka dhalatay dagaalka Ruushka ee Ukraine ay sii xumeysay xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya.


Post a Comment

0 Comments