Waxaa soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul gobolleedyadu ku lahaayeen magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa ka qayb galay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowlad gobolleedyadda Jubbaland, Koonfur-galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland inkastoo Deni kaga qeyb-galay ZOOM.
War saxaafadeed la soo saaray markii wadahadalladu dhamaadeen ayaa lagu sheegay in Madaxwaynaha iyo xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranku diirada saareen sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu samata bixinayo dadka ay abaaruhu saamayeen.
War murtiyeedka waxaa lagu sheegay in dhinacyadu isla gorfeeyeen arrimha amniga dalka, iyadoo dib loo milicsaday qodobadii kasoo baxay shirkii 12 kii June 2022, wuxuuna Golaha Wadatashiga Qaran isku raacay todobo qodob oo kala ah;
AABAARAHA - Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu go'aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay'adaha ku hawllan gurmadka abaaraha in ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta abaarta.
Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgallada la-dagaallanka Al-Shabaab ee ka socda dhammaan degaannada dalka, gaar ahaan kaalinta ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.
Goluhu wuxuu ugu baaqayaa degannada kale ee dalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaallanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.
Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada Soomaaliland.
Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay'adaha dowladda ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada.
Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.
Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.
0 Comments