Ku dhawaad 20 askari oo laga dilay Al-Shabaab

   

Madaxwayne Xasan sheekh

Ugu yaraan 18 askari oo ka tirsan ciidanka Al-Shabaab ayaa lagu dilay degaanka Buqaqable ee gobolka Hiiraan, kadib howlgal ay xalay fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab, sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.


Howlgal-kaan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas, ayuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage sheegay in howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay.


General Odawaa wuxuu sheegay in Ciidanka Dawladdu burburiyrrn guud ahaan fariisimihii ugu waaweynaa ee Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Buqaqable oo qiyaastii 90 kiiloomitir Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.


Taliyaha Ciidanka Xoogga wuxuu xusay in degaankaan uu kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan degaannada kale ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay dhawaan ku burburiyeen ceelal biyaha laga cabi jiray.


In ka badan labo bilood qaar ka mid ah degaannada gobolka Hiiraan waxaa ka holcaya dagaal u dhaxeeyay dadka degaanka oo garab ka helaya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab oo dhinac ah.


Hadaba Madaxwaynaha Soomaaliya waxan uga mahadcelineynaa  Dadaalka iyo sida uu u dhaqan geliyay ballanqaadkiisii ​​ahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan Soomaaliya looga sifeynayo argagixisada

Post a Comment

0 Comments