Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida u magacaabay S/Guuto Liibaan Cali Yarow oo ka mid ah saraakiisha muddada dheer ka soo shaqayneysay garsoorka ciidanka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay soo jeedin uu sameeyay xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga kaasoo u jeedku ahaa in is-baddel lagu sameeyo hoggaanka garsoorka.
Wasiirku wuxuu sheegay in Guddoomiyaha cusub S/Guuto Liibaan Cali Yarow uu xilligaan ahmiyad gaar ah u leh la dagaallanka Kooxda Al-Shabaab wuxuuna u mahadceliyay Guddoomiyihi hore S/Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).
Waa markii 2-aad ee Liibaan Yarow qabanayo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida, bishii September 2014 ayayna ahayd markii uu isla-xilkaan u magacaabay Wasiirkii Gaashaandhigga ee xilligaas Maxamed Sheekh Xasan.
Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa S/Guuto Liibaan Cali ka qaaday xilka billowgii sanadkii hore isagoo xilkaas ku naas-nuujiyay Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) oo taageero uu Farmaajo u muujiyay awgeed uu Muxudiin Darba-weyne ku dharbaaxay goob fagaare ah.
S/Guuto Liibaan Cali Yarow oo shahaadada Master-ka ka diyaariyey culuumta amniga ee Jaamacadda Naayif Al-Carabiya oo ku taalla Sacuudiga , ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidammada qalabka sida.
0 Comments