Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka golaha wasiirada oo looga hadlayo hawlgalada Alshabaab ka dhanka ah ka qeybgalay


Shirkii golaha wasiirada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.


Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta degaannada laga xoreynayo Kooxda Al-Shabaab, Madaxweynaha ayaana tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed xilligaan.


Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuu ayaa faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii degaannada laga saaray Al-Shabaab looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.


Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirrada  in ay mudnaanta koowaad siiyaan la dagaallanka kooxaha caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhanna ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah Al-Shabaab.


Madaxwaynaha  ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan Al-Shabaab”, ayaa tiri Villa Somalia.


Post a Comment

0 Comments