Shirkii Raysal wasaare Xamse & Golahiisa Wasiirada ay isugu yimaadeen ayaa looga hadlay xoojinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada

  

Raysal wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre waxa uu shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.


Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshe lagu xoraynayo deegaanada ay argagixisada ku sugan yihiin, laguna xasilinayo deegaanada laga saaray, si dadka deegaanka ay u helaan adeeg bulsho.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay ciidamada geesiyaasha ah ee gacan ka geystay sidii shacabka Somaliyeed looga xoreyn lahaa deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in bulshada lagu wacyigeliyo qorshaha xoreynta dalka.


Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa uu u mahadceliyey laamaha amniga iyo ciidamada Soomaaliya habeen iyo maalinba dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga shacabka, wuxuuna sheegay in dowladdu  ay ka go’an tahay sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa kooxaha argagixisada.


Madaxwayne Xasan sheekh & Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Xukuumaddooda cusub waxa ka goan sidii looga takhalusi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan Argigixisada dalka oo dhan.

Post a Comment

0 Comments