Ra’iisul wasaaraha Somalia oo gudoomiyey shir looga hadlayey xaaladda Beledweyne

 

Raysal wasaaraha iyo wasiiradiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo Al-Shabaab ay ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.


Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada.


Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada ay Al-Shabaab ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.


Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee   gulufka  ka dhanka ah Shabaab.

Post a Comment

0 Comments