Labo qodob oo muhiim ah oo looga hadlay Shirka Wasiiradda

 

Shirkii golaha wasiirada

 Gollaha Wasiiradda ayaa yeeshay Kulan gaar ah, oo uu gudoomiyaya Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, islamarkaana ay ka qeybgaleen Wasiirro tiro yar.


 Shirka ayaa looga hadlay dib u habeynta dhaqaalaha oo si qota dheer loogu lafa-gurey, iyadoo hannaanka deyn cafintu iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale ay ajandaha ugu horeeyeen. 


Soomaaliya  ayaa dibadda looga leeyahay $5 biyan oo dollar, oo qeybo kamid ah dhawaan laga cafiyay, iyadoo ay jirto lacag kale oo shuruudo adag lagu xiray, taasoo ay kamid tahay dib u habeynta maaliyadda.


IMF ayaa aad uga taageertay barnaamijka deyn-cafinta oo wali aan gaarin heerkii ugu dambeeyay, balse laga sameyay horumaro badan, oo ay ku jirto kordhinta Canshuurta gudaha iyo miisaaniyadda.


Musuq-maasuq iyo isla-xisaabtan la'aanta ayaa kamid ah caqabadaha dalka dhaqaalihiisa horumarka ka sameyn la'yahay, iyadoo aysan jirin kalsoonid hay'adaha dhaqaalaha aduunka ku qabaan dowladda.

Post a Comment

0 Comments