Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee ku aaddan gurmadka abaaraha, amniga, dib u heshiisiinta iyo qodobo kale.
Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo salka ku haya in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo Ciidamada Xoogga Dalka.
“Al-Shabab waxa ay qarxiyeen ceelal biyood reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen gaadiid shacab, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan oo markii horeba la daalaa dhacayay nolosha.” Ayuu yiri MW Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dareenka iyo baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalkan lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed.
Si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida Gobolka iyo shacabka Soomaaliyeedna ay u helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah ee adeegyada dowladda, ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay caalamka in ay garab istaagaan Dowladda Soomaaliya.
“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada. Maalmahan iyo bishii horeba, ayuu ku sii daray hadalkiisa.
“Waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka degaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn”. Ayuu sii raaciyay.
Madaxweynuhu wuxuu siduu kale ka warbixiyay qorshaha tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara iyo kobcinta dhaqaalaha.
0 Comments