Midowga Yurub waxay dib u cusbooneysiiyeen taageeradii ay siin jireen Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada

  

Midowga Yurub iyo somalia

Midowga Yurub ayaa dib u soo cusboonaysiiyay taageeradii uu siin jiray dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna si adag ugu garab taagan yahay dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo bulshooyinka muddada dheer ku dhibaateysnaa xukunka kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo xaqiijin lahaa in taageero iyo kaalmo loo fidiyo, gaar ahaan kuwa aadka ugu baahan.


War saxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee ururka Midowga Yurub, kaasoo looga hadlay weeraradii ugu dambeeyay ee Argigixisada Al-Shabaab ay ku qaadeen mas’uuliyiin ka tirsan  dowladda, ciidamada nabad sugidda, shaqaalaha caafimaadka iyo dad rayid ah oo ku sugnaa degmada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya,  taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac ay ku jiraan saraakiil.


War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: “Weeraradan waxay muujinayaan hagar la'aanta Al-shabaab, kaddib howlgalladii lagu guuleystay ee ammaanka ee ka dhanka ahaa bilihii la soo dhaafay, waxaana tani ay midawga Yurub dib u xaqiijinaysaa doorkooda ah taageeridda joogtada ah ee hannaanka dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo la-hawlgalida. sidii nabad iyo amni looga samayn lahaa dhexdeeda.”

Post a Comment

0 Comments