Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay xoojiyaan dadaallada lagu caawinayo Soomaaliya

  

Golaha iskaashiga khaliijka

Wadamada Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa ku baaqay in loo baahan yahay dadaal wadajir ah iyo is garab istaaga beesha caalamka si meesha looga saaro dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Soomaaliya soo food saartay lana yareeyo saameynta ay ku yeelan karto dadka Soomaaliyeed iyo saameynta ay ku leedahay xuquuqul insaanka.


Khudbad ay ka hor jeedisay Golaha Xuquuqul Insaanka Ergeyga Joogtada ah ee Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abdulmohsin bin Khathela, ayay ku baaqday in la xoojiyo dadaallada iyo taageerada bini'aadantinimo ee la siiyo Soomaaliya, Dadaalkaas oo lagu yareynayo caqabadaha bini'aadantinimada, kor loogu qaadayo xaaladda xuquuqda aadanaha.


Waddamada Golaha Iskaashiga Khaliijka waxay caddeeyeen inay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro barwaaqo iyo xasillooni, iyagoo xaqiijiya gudashada waajibaadka ka saaran qawaaniinta caalamiga ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.


Waxay bogaadiyeen dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto horumarinta xaaladda xuquuqul insaanka dhulkeeda, iyo wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leedahay hayadaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, iyagoo xusay baaxadda caqabadaha Soomaaliya ka haysta khataraha argagixisada, macluusha iyo  abaaraha daran, taasoo horseedda xasillooni la'aanta xuquuqda Iinsaanka.

Post a Comment

0 Comments