Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa isagoo ka qeybgalayay Janaazadda AUN Jen Farxaan Qaroole baaq culus u diray Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.
Wuxuu xusay in dilka Farxaan Qaroole loo baahan yahay inuu horseedo xoreynta dalka, maadaama maalin walba shaqsi muhiim ah ay Al-shabaab dilayso, islamarkaana laga aamusan yahay.
Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Isagoo hadalka sii wata, Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in aan suurtagal ahayn in dhex-dhexaad laga noqdo dagaalka socda, isagoo ku tilmaamay qofkii ka hara, uu la jiro Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya argagixisada Alshabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.
Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab xasuuq shacabka, oo ay dilayaan Carruur iyo haween, sidoo kalena dadka ay ka cunaqabateeyeen gargaarka xili ay gaajo u dhimanayaan.
Fariinta Madaxweynaha ayaa ah in loo midooobo dowlad iyo shacab dagaalka socda ee Al-Shabaab dalka oo dhan looga xoreynayo, maadaama mudo dhibaato iyo cabsi-gelin lagu soo jiray.
0 Comments