Madaxweyne Xasan sheekh oo Booqasho Rasmi ah ku tegay Dalka Uganda

Booqashadii Madaxwaynaha


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.


Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Mudane Odongo Jeje Abubakhar, ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa.


 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisa Uganda ay qaadaneyso saddex maalmood, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga iyo la dagaalka argigixisada la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.


Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha  dhaqaalaha  Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka.


Post a Comment

0 Comments