Shan sanno ayaa kasoo wareegtay Qaraxii (Xasuuqii) Isgoyska Zoobe oo dhacay 14-kii October 2017, kaaso noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo abid ka dhaca wadanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay dad gaaraya 578 qof, halka 316 kale ay ku dhaawacmeen.
Wuxuu ahaa weerarkii 2-aad ee Argagixiso ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Afrika iyo qaraxii ugu dhimashada badnaa ee qaaradda, halka uu sidoo kale ahaa weerarkii 3-aad ee ugu dhimashada badnaa ee argagixiso fuliso taariikhda casriga ah, waxaana ku agoontoobay in ka badan 1000 carruur ah.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegeen in bartilmaameedka weerarka uu ahaa xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ay ku sugan yihiin shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, safaaradaha ugu badan iyo xafiisyada hay’ado caalami ah oo ka howl-gala dalka.
Gaariga qarxay oo ahaa kuwa xamuulka qaada ayaa ka yimid dhinaca gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo lagu soo diyaariyay degaan Kooxda Al-Shabaab ay maamusho, waxaana xusid mudan iyo gaarigu kasoo gudbay baro koontarool oo ay joogaan Ciidamada dowladda, sida; Siinka-dheer, Ex-koontarool iyo Saybiyaano.
Sanad walba maanta oo kale ayaa dib loo xasuustaa qaraxaan, hayeeshee ma muuqato in Dowladda iyo shacabka ay wali cashir ka barteen, isnkastoo ay jaran-yihiin jidadka Caasimadda haddana wali waxaa sii socda dhiig-baxa iyo qaraxyada gilgilaya Muqdisho, lama hayo xal amni oo la isku hallayn karo.
Dowladda oo aan lahayn qorshooyin degsan iyo siyaasad amni oo waxtar leh, Ciidamada oo aan lahayn xirfad sareysa heysanna agab dhamaystiran, wada-shaqeynta ka dhaxeysa shaqsiyaad ku jira gudaha Dowladda iyo Al-Shabaab, cilaaqaad la’anta shacabka iyo Dowladda ayaa qeyb weyn ka ah mushkiladda amni.
0 Comments