Shirka 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo ka socday Magaalada Muqdisho 27-31 October 2022, kana qeyb galeen Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Gobolleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la soo gabagabeeyay lagana soo saaray war murtiyeed.
Golaha Wadatashiga wuxuu tacsi u diray ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarkii 29 Oktoobar ka dhacay agagaarka Soobbe, isagoo caafimaad u rajeeyay inta dhaawacantay, inta ku hanti beesheyna bedel kheyr qaba Alle u weydiiyay, wuxuuna Goluhu cambaareeyay weerarka shacabka lagu xasuuqay.
Waxa ay bogaadiyeen guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya kacdoonka Shacabka ka gaareen Kooxda Al-Shabaab, waxa ay ammaaneen gargaarka bani-aadannimo iyo gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ay waddo Xukuumadda heer Federaal oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed, DXDF iyo Beesha Caalamka.
Goluhu wuxuu bogaadinayay dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay, wuxuuna ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasilloonida iyo nabadda, iyagoo bogaadiyay dhismaha dekadda Garacad ee laga dhisay Mudug.
QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY HOOS KA AQRISO
Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedyadii shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 12 June iyo 12 September 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda:
SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA
Golohu wuxuu isla qaatay ka ciribtirka kooxaha khawaarijta dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golohu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istratejiyad qaran ee la dagaalanka khawaarijta la iskuna dubarido dadaallada kala duwan.
Golohu wuxuu isla qaatay dhaqan-gelinta heshiiska Qaab Dhismeedka Amniga Qaranka ee la saxiixay April 2017, wixii farsamo ahna waxaa ka shaqayn doona guddi farsamo. Golohu wuxuu dhiirigelinyaa dardargelinta qorshaha kala guurka ee ciidamada qaranka ay kagala-wareegayaan mas'uuliyadda amniga ciidamada ATMIS si dhameystiran.
GURMADKA ABAARAHA IYO LA TACAALIDDA SAAMEYNTA ISBEDDELKA CIMILADA
Goluhu wuxuu diiradda saaray saamaynta abaaraha soo noqnoqonaya ee dalka ka jira iyo raadka ay ku reebaayaan hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu hay'adaha gargaarka farayaa dardargelinta gurmadka abaaraha. Goluhu wuxuu sidoo kale isla qaatay baahida weyn ee loo qabo maareynta iyo la tacaalidda saameynta is-baddelka cimilada iyo dhisidda kaabayaasha u adkaysiga aafooyinka.
DARDARGELINTA DIB-U-EEGISTA DASTUURKA
Goluhu wuxuu isla qaatay in mudnaan gaar ah la siyo qodobada wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan si loo dhameystiro dib-u-eegista dastuurka KMG. Goluhu wuxuu isku raacay in XFS iyo DXDF ay soo dhammaystiraan xubnaha ka dhimman Guddiyada u xilsaaranDib-u-eegista Dastuurka KMG.
DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA
In dalka laga dhaqan-geliyo nidaamka xisbiyada badan iyadoo dib loo milicsanayo xeerarka xisbiyada iyo doorashooyinka. In dalka oo dhan laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufankuna saleysan codbixiyeyaal diiwaan-gashan iyo xisbiyo u tartama goleyaasha heerarka kala duwan. In dalka laga qabto laba doorasho; mid Heer Federaal ah iyo mid Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.
JADWALKA IYO HABRAACA SHAQO EE GOLAHA WADATASHIGA QARAN
Golohu wuxuu isku raacay in uu samaysto habraac shaqo oo qeexaya hannaanka loo marayo heshiisyada, qaabdhismeedkiisa, hawlaha golaha, qodobada wada-xaajoodyada iyo dhaqan-gelinta go'aamada Golaha. Goluhu wuxuu isku raacay in labada shir ee soo socda ay qabsoomaan Disember 2022 iyo Febraayo 2023.
0 Comments