Golaha Ammaanka oo muddada u kordhiyay UNSOM

   

UNSOM

 Golaha Ammaanka ayaa kordhiyey muddada hawlgalka UNSOM, kadib dib u eegistii istaraatiijiyadeed ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku sameeyay Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).


Qaraarka tirsigiisu yahay 2657 (2022) ayay u codeeyeen 14 dal, kaliya Shiinaha ayaa ka aamusay, Golaha ayaana ka codsaday UNSOM in ay ilaaliso oo ay xoojiso joogitaankeeda Soomaaliya iyo in ay sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Dowladda iyo ATMIS.


Golaha Ammaanku ee QM wuxuu bogaadiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee soo cusboonaaday, wuxuuna sidoo kale ku dhiirrigeliyey UNSOM inay Soomaaliya ka taageerto dhammaan dhinacyada lama huraanka ah ee amniga iyo gargaarku ugu horreeyaan.


Goluhu wuxuu ku dhiirigeliyay Dowladda Soomaaliya inay sii waddo wadashaqeynta iyo iskaashiga heer kasta, oo ay ku jiraan abuurista jawi siyaasadeed iyo amni oo wanaagsan si loo helo hannaan dimoqraadiyadeed oo loo wada dhan yahay oo Soomaaliya oo dhan ah.


Goluhu wuxuu sidoo kale cambaareeyey ku-takri-fal kasta ama hadday jirto carqaladayn lagu samaynayo gargaarka bini'aadantinimo, isagoo ka dalbay dhammaan dhinacyada inay oggolaadaan oo fududeeyaan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka u baahan.


Goluhu wuxuu sheegay in UNSOM door muhiim ah ka ciyaartay Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay howlgalka, wuxuuna xusay in dib u eegistii istaraatiijiyadeed ee dhowaan lagu ogaaday in waajibaadkeeda uu si wanaagsan ula jaanqaadayo mudnaanta qaranka.


Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee QM (UNSOM), waxaa lagu aas-aasay qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2102,  soona baxay 3 Juun 2013, kadib qiimeyn lugu sameeyey taageerada QM ee ku aadden dhismaha Dowladda Soomaaliya.


Muddada UNSOM waxaa hore loogu cusbooneysiiyey qaraarrada Golaha Ammaanka ee kala ah 2158 (2014), 2221 (2015), 2232 (2015), 2275 (2016), 2358 (2017), 2408 (2018), 2461 (2019), 2516 (2020), 2527 (2020), 2540 (2020), 2592 (2021) iyo 2632 (2022).


Post a Comment

0 Comments