Dalka Imaaraadka Carabta ayaa mar walba qaada tillaabooyin gurmad deg deg ah oo lagu badbaadinayo umada ay abaaruhu sameeyaan ee somaliya, taasoo ku soo beeganta xilli ay baahi weyn u qabaan qoysas badan oo barakacayaal ah.
Mashruuc ku suntanaa "Gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen" ayay dawlada imaraadku daba yaaqadii sanadkii dhamaaday ku deeqeen dad dhibaataysanaa oo ku dhaqan tuulooyin kamida Dalkeena somaliya.
Labadii bilood ee udanbeeyay sanadkii lasoo dhaafay Dawlada imaaraadku waxay caawisay qoysas badan oo abaaruhu sameeyeen kuwaaso ku dhaqan qaybo badan oo kamida Gobolka Jubaland ee somaliya.
Waxaana kamida Gobahaas Dhoobley, Xaya, Qooqaani, Taabta, Diif, Dhuyac, Garoon, Raaskambooni, Madhawa, Buur, gaabo, Kudhaa iyo tuulooyin badan oo ka tirsan gobolkaas Jubaland.
Walaalaha Imaraadka carabta ayaa taagero ufidiyay in ka badan 8200 oo qoys, iyadoo celcelis ahaan qoyskiiba ay tiradoodu ahayd 5-7 qof, waanan uga mahad celinaynaa hadaanu nahay shacabka somaliyeed.
Waxa xusid mudan dalka imaraadku inuu inaga caawiyay waxyaabo badan oo ay kamid tahay agab tirka baahiyaha iyo abaarihii ba`naa ee dalka soo maray, Runtii umada somaliyedna abaal wayn bay uga hayaan.
Waxaanan uga mahad celineynaa dowladda walaalaha ah ee Imaaraadka Carabta tageerada iyo taakulaynta joogtada ah ee ay marwalba la garab taaganyihiin shacabka somaliyeed, waxaanan idin leenahay Allaah ha idinka abaal mariyo camalkiina suuban.
Sidoo kale waxaan rajaynaynaa in walaalaheen Imaaraatku ay sii wadaan taageerada iyo taakulaynta, maadaama ay wali ka jiraan abaaro iyo dhibaatooyin badan gudaha dalkeena Somaliya.
0 Comments