Kosovo ayaa ogolaatay in 300 oo qol oo xabsi ah ay ka kireysato Danmark si ay u yarayso ciriiriga ka jira jeelasha Scandinavian-ka.
Danmark waxay bixin doontaa khidmad sanadle ah oo gaareysa £12.8m oo gini shanta sano ee soo socota, waxayna sidoo kale gacan ka geysan doontaa maalgelinta tamarta cagaaran ee dalka.
Qolalka kirada ah ayaa loogu talagalay in lagu hayo dembiilayaasha la xukumay ee ka yimid wadamada aan ka tirsanayn Midowga Yurub.
Kosovo waxay leedahay inta u dhaxaysa 700 iyo 800 ooo xabsi oo aan la isticmaalin, Labada dawladood ayaana kala saxeexday heshiiskan oo socon doona muddo shan sano ah.
Guud ahaan Kosovo ayaa lagu wadaa inay hesho lacag dhan 210 milyan oo Yuuro 10-ka sano ee soo socda iayadoo ka faa'iideysanayso kiraynta xabsiga Gjilan, oo 50km u jirta caasimadda Pristina. Wasiirada Denmark ayaa lagu wadaa inay booqdaan xabsiga Talaadada.
Dhaqdhaqaaqayaasha labada waddan ayaa dhaleeceeyay tallaabadaas oo leh Danmark maaha inay u soo dirto dembiilayaasha ajinabiga ah oo ay ka fogeeyaan qoysaskooda.
Waxa aanu samaynay wixii aanu kari karnay, isla xeerarkaas ayaa lagu dabaqi doonaa xabsiyada Danmark, ayuu yiri wasiirka. "Dambiilayaasha la tarxiilay ayaa weli awood u leh inay soo booqdaan qaraabadooda, inkastoo taasi, dabcan, ay adkaan doonto."
Kuwa Kosovo loo diray ma noqon doonaan maxaabiis halis ku nirta , ayuu yidhi wasiirka cadaalada ee Kosovo Albulena Haxhiu. Qof kasta oo lagu helo dembiyo argagixisanimo ama xanuunsan looma diri doono Kosovo.
0 Comments