Dalka aynu walaalaha nahay ee UAE ayaa Mashruuc ay ugu magac dareen Gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen ku deeqay dabayaaqadii sanadkii idlaaday dad dhibaataysanaa oo ku dhaqan deegaano kamida maamulka Jubbland.
Walalaheen Imaaraadka ayaa caawiyay kumannaan qoys oo ka soo barakacay degaano kamida Maamulkaas, barakacayaashaas oo u badnaa haween, carruur iyo dad da’ ah, ayaa waxa ka muuqaday duruuf iyo nafaqo darro aad u daran oo u baahan gargaar degdeg ah.
Isla markiiba waxa qaabilay oo gargaar ufidiyay walaaleheen imaaraadka, waxaanay caawiyeen in ka badan 8200 oo qoys, iyadoo celcelis ahaan qoyskiiba ay tiradoodu ahayd 5-7 qof, waanan uga mahad celinaynaa hadaanu nahay shacabka somaliyeed.
Somalia intay burburka iyo dagaalada sokeeye la daalaa dhacaysay runtii may arag garab uga wanaagsan dhanka taageerada bani aadan-nimo dalka imaraaraadka carabta, waayo xili kasta wuxuu garab aanu dano gaara ka lahayn siin jiray ilaa hadana siiyaa shacabka somaliyeed.
Garabka iyo taakulaynta aynu ka helnay walaaleheen dalka imaraadka intaynu burbursanayn runtii ma jirto wax loo dhigaa, waxaanay inaga mudanyihiin mahad celin iyo abaal wanaagsan.
Waxaanan mar labaad iyo mar sadexaadba uga mahad celineynaa tageerada iyo taakulaynta joogtada ah ee ay marwalba la garab taaganyihiin shacabka somaliyeed, waxaanu leenahay ajar iyo xasanaad illahay ha idinka siiyo.
0 Comments