Sacuudiga iyo Thailand ayaa gaaray heshiis ay kusoo celinayaan xiriirkii diblumaasiyadeed oo inka badan 33 sano ay ku kala maqnaayeen, sabab la xiriirta isku dhacii labada dal dhex maray ee salka ku hayey Dhaymankii baluuga ahaa. Maxay tahay sheekada dhaymankaasi, halkee ayuuse ku danbeeyey haatan?
Sanadii 1989 kii markii nin u dhashay Thailand oo lagu magacaabo Kriangkray Techamong uu qasriga boqortooyada Faisal bin Fahd oga shaqeeynayey waardiye ahaan, ay Indhihiisu qabteen dhayman aad u badan, waxaana uu qorsheeyey qaabkii uu ku xadi lahaa qayb ka mid ah dhaymankaasi., isagoo ku fakaraaya in uu boqorka arintaasi ogaan doonin.
Ninkan ayaa hantay kalsoonida shaqaalaha qasriga, waxaana uu u dhawaaday ilaalada qasriga oo filibiin u dhashay isagoo galay islamarkaana xifdiyey tirada nambarka sirta ah. Waxaa uu bilaabay in si tartiib tartiib ah uu xado xilli ay boqorka iyo qoyskiina ay ku maqnaayeen dalxiis banaanka magaalada Riyadh. Markii ay soo laabteen, waxay ogaadeen in dhaymankii uusan oolin, waxayna ogaadeen in arintaasi uu ka danbeeyey ninkii thailandka ahaa.
Xiriirka labada dal ayaa aad u sii xumaaday kadib magacaabidii amiir Faisal, maadaama uu aabahiis boqor Fahad la wareegayey boqortooyada xiligaasi. Kiiska ayaa u muuqday mid qofkii u dhawaadaba la weynayo.
Ninkii Thailand ahaa ayaa waxa uu ku guulaystay in uu galo qolalka hurdada intii ay ka maqnaayeen dadkii lahaa, waxana uu si tartiib tartiib ah u xaday waxyaabaha la isku qurxiyo oo ka kooban dhago, jijimo iyo saacado ka samaysan dhagaxyo qaali ah iyo dhayman oo gaaraya 90 kilogram.
Nooca Dheymanka wuu qaatay waa baluug dheyman waana mid aad u qaali ah oo naadir oo qiimo ahaana ku fadhiya 20 milyan oo doolar.
Ninkani waxaa uu alaabtii uu xaday oo xir xiran u diray dalkiisa ka hor inta uusan lasoo baxsan qaybtii ugu danbeeysay.
Muddo aan sidaa usii fogeyn kadib ayay dareemeen boqorka iyo qoyskiisa in qayb ka mid ah dahabkii iyo dheymankii maqanyahay. Waxaa ay la xiriireen saraakiisha Thailand kuwaas oo balanqaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku xalin doonaan kiiska, islamarkaana sida ugu macquulsana ay kusoo celin doonaan dhaymanka boqortooyada.
Laba sano, Thailand ayaa isku dayday in ay wanaajiso xiriirka kala dhaxeeya sacuudiga, oo waxaa ay sii waday in ay kiiska baaritaan ku sameyso waxaana ay hal sarkaal u xirtay in si qaldan u isticmaalay qayb ka mid ah dhaymanka, weeyna ka soo celiyeen 1991 dii, laakiin waxaa laga soo celiyey ma dhameyn intii lasoo xaday ee dhaymanka baluuga ah.
Kiiska ayaa markii danbe sii adkaaday, kadib markii la dilay xaaska iyo wiilka ninkii dhaymanka ka soo iibsaday ninkii soo xaday oo gaarigooda laga helay iyadoo mayd ah.
Dhamaan Dilalka xiriirka la lahaa kiiska dhaymanka ee amiir Feysal, ayaa lala xiriirinayey dad aan la aqoon, waxaa ka mid ah dadka la dilay, ganacsade sacuudiyaan ah kaas oo lagu tuhunsanaa in baaritaan gaar ah uu ku sameynayey kiiska, iyo afar diblumaasiyiin sacuudiyaan ah. qubarada ayaa soo jeediyey in dilalka ay fuliyeen saraakiil sar sare.
Kiiska ayaa ka caraysiiyey dowladda Sacuudiga Carabiya, waxaana ay qaaday talaabooyin diblumaasiyadeed oo ay ka mid yihiin in ay yareeyso howlgalka diblumaasiyadeed. Boqolaal kun oo u dhashay Thailand oo ka shaqeeynayey Sacuudiga ayaa shaqooyinkooda ku waayey, waxayna kusoo laabteen wadankooda. Sacuudiga ayaa si kumeel gaar ah u joojiyey in uu visaha siinayey muwaadiniinka Thailand.
Iyadoo sacuudigu uu sii waday baadi goobka dhaymankii ka maqnaa ayaa waxaa soo baxday in xaasaska saraakiisha ugu saraysa Thailand lagu arkayey iyagoo xiran munaasabadahooda dahab iyo dheyman cusub oo u eg kan qoyska boqor Feysal.
0 Comments