Mas'uuliyiinta Canada ayaa sheegay in qoys qaboow u dhintay iyaga oo Canada lug kaga baxaya oo Maraykanka galaya in ay ahaayeen dad lasoo tahriibiyay.
Qoyskan oo afar xubnood ka koobnaa, dalka Hindiyana kasoo jeeday ayaa qaboowga daran ee dalkaasi ka jira u dhintay xilli ay dhawr talaabo ah u jireen in ay gudaha u galaan Maraykanka, kana tageen Canada oo maalmo ka hor uun ay safar ku tageen.
Jagdish Patel, 39 jir, xaaskiisa Vaishailben Patel, 37 jir , iyo carruurtooda oo kala ah Vihangi, 11jir iyo Dharkmik, 3 jir ah ayaa ku dhintay meel u dhow gobolka Manatoba ee Canada, xilli ay kasoo gudbeen dalka Maraykanka.
Heerka qaboowga Canada ayaa gaaray darajada -35C habeenkii ay qoyskan iyaga oo lug ah ay isku dayayeen in ay galaan Maraykanka.
Safaaradda Hindiya ee Canada ayaa shaacisay magacyada qoyska oo meydkooda la heleu 19-kii Janaayo. Waxaa sidoo kale arrintan xaqiijiyay booliiska Canada.
Qoyskan ayaa ka yimid gobolka Gujurat ee Hindiya, iyaga oo fiiso dalxiis ku tagay Canada sida ay sheegeen dadkii dariska la ahaa.
Sida uu sheegay mas'uul u hadlay booliiska Canada Rob Hill, qoyskan ayaa Canada duulimaad ku tagay 12-kii Janaayo, iyaga oo isla maalintii xigtay safar ku aadday gobolka Manatoba ee xiga Maraykanka.
0 Comments