Norway ayaa deeq lacageed oo cusub oo dhan 30 milyan oo dollar siisay Soomaaliya, xilli uu Muqdisho booqasho ku yimid sarkaal Norway ka tirsan.
Norway ayaa sheegtay in lacagtan ay ku bixinayso sanduuqa dhaqaale ee ay wada shaqaynta la leeyihiin Soomaaliya oo uu maamulo bangiga adduunka, kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Norway.
Dr. Cilmi Maxamuud Nuur Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan lagu horumarin doono dib u habeynta maaliyadda iyo maalgelinta mashaariicda.
"Farxad weyn ayay ahayd inaan maanta Soomaaliya ku soo dhaweeyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Bethe," ayuu raaciyay.
Dhanka deeqaha dhaqaale ee Norway, Nuur wuxuu sheegay in dhaqaalahan loo isticmaali doono horumarinta dib u habeynta maaliyadda iyo mashaariicda maaliyadda.
Nuur ayaa carabka ku adkeeyay in Norway ay si weyn u taageerto, gacanna ka geysato dib u habeynta dhaqaalaha dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in deeqdan lacageed ee cusub ay dalkeena wax badan ka tari doonto.
Norway waxa ay ka mid tahay 9 wadan oo reer galbeed ah oo dhaqaale siiya sanduuqa wadaaga badan ee Somali Multi-Partner Fund oo la aas aasay sanadkii 2013-kii, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso inay dib u dhisto hay’adihii aasaasiga ahaa.
Sanduuqa ayaa ah isha ugu weyn ee dhaqaale ee bangiga adduunka ee Soomaaliya tan iyo markii dalka uu dib ugu soo laabtay kormeerka hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si kor loogu qaado dadaallada dib u habeynta caalamiga ah ee waafaqsan halbeegyada daacadnimada maaliyadeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa isna Xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway, Anne Bayati Tefenarim.
0 Comments