Deegaankii lagu dhisay Boqortooyada Sucuudiga oo loo aqoonsaday goob taariikhi ah


Degaankii lagu dhisay Sucuudiga

Guryaha dhoobada ah, masaajidda iyo guryaha At-Turaif, ayaa u ah udub dhexaad taariikhda Sacuudi  Carabiya.


Waxay ahayd meeshii ugu horreysay ee Boqortooyada Sacuudi lagu aasaasay, in ka badan laba boqol iyo konton sano ka hor.


Fikirka Wahaabiisimka ee diinta Islaamka - oo mar awood u lahayd sida Boqortooyada, laakiin haatan aad loo shiiqiyey - ayaa iyadana halkan laga gudbin jiray fariimahooda.


Dib u naqshadeynta gobolka Najd, ayaa wuxuu ku badbaaday guryihii hore ee ​​​​ugu fiicnaa ee deegaanka.


Hey’adda UNESCO, ayaa waxay ku dartay liiska dhaxalka adduunka guryahan.


Laakiin sannado badan, goobtu waxay ahayd deegaan la dayacay, oo burburay - maadaama dalxiisku uu ahaa mid aan ka jirin Sucuudiga.


Sannadihii u dambeeyay, ayaa arrimahani wax badan ay iska badaleen.


At-Turaif ayaa hadda looggu tala galay iney noqoto goob muhiim ah, oo laga hirgaliyo mashaariic horumarineed.


Mashaariicdan, ayaa waxa ku bixi doona balaayiin doollar, iyadoo katirsan degmada Diriyah – iyadoo xudun u noqon doonta dalxiisayaasha, halka dhanka kalana ay noqoneyso halka shucladda u sida boqortooyada Sucuudiga.

Post a Comment

0 Comments